Muxuu Xasan Sheekh kusoo arkay dekedda Muqdisho? + Sawirro

Muxuu Xasan Sheekh kusoo arkay dekedda Muqdisho? + Sawirro
July 29, 2026

LATEST NEWS

Muxuu Xasan Sheekh kusoo arkay dekedda Muqdisho? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ugu kuurgalay horumarka ka socda kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka iyo qorshayaasha lagu casriyeynayo adeegyada dekedda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo indha indheeyay xarumaha kaydka Shidaalka dekedda, bakhaarada iyo dhismaha cusub ee xafiisyada maamulka dekedda magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa xog ogaal u noqday dadaalada dib u habeynta iyo casriyeynta xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay helaan shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kormeerka kaddib, kulan muhiim ah la qaatay wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda iyo maareeyaha guud ee dekedda Muqdisho oo uu ka dhageystay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee dekedda.

Xasan ayaa indhaha saaray horumarka laga gaaray mashaariicda socda iyo qorshaha dhismaha dekedda cusub ee Muqdisho oo loogu talagalay in ay daboosho dhammaan baahida dakadeed ee caasimadda, isla markaana kor loo qaaddo awoodda ay u leedahay la tacaalidda kororka ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey in horumarinta dekedaha ay laf-dhabar u tahay kobaca dhaqaalaha dalka, kor u qaadista ganacsiga, abuurista fursado shaqo iyo xoojinta isku xirka dalka iyo suuqyada caalamka.

Ugu dambeyntiina, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta wasaaradda iyo maamulka dekedda in ay laba jibaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dekedda.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

After Twenty Years: Renewing Somalia’s Political Settlement

Wiilka Museveni oo Turkey ka dalbaday in hal bilyan iyo gabar ay ka siiyaan Soomaaliya

Kadib baaqii mucaaradka DF, Uganda oo soo saartay war cusub

Puntland Surrounds a Federal Force in Galkayo and Calls It Law Enforcement - Somali News in English

Puntland Surrounds a Federal Force in Galkayo and Calls It Law Enforcement – Somali News in English

Dynamic Country URL Go to Country Info Page