Kadib baaqii mucaaradka DF, Uganda oo soo saartay war cusub

Wiilka Museveni oo Turkey ka dalbaday in hal bilyan iyo gabar ay ka siiyaan Soomaaliya
July 30, 2026

LATEST NEWS

Kadib baaqii mucaaradka DF, Uganda oo soo saartay war cusub

Kampala (Caasimada Online) – Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa ku baaqay in ciidamada Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay sii wadaan joogitaankooda dalka.

Jeneraal Muhoozi ayaa hadalkan ka jeediyay shir gaar ah oo magaalada Kampala ay ku yeesheen taliyeyaasha ciidamada dalalka ciidamada ka leh howl-galka AUSSOM. Wuxuu sheegay in sugidda amniga Soomaaliya ay tahay mas’uuliyad ay tahay in dalalka Afrika ay si wadajir ah u qaadaan.

Taliyaha Ciidamada Uganda ayaa ku baaqay in la helo xal looga gudbo hoos u dhaca ku yimid taageeradii dhaqaale ee howl-galka ka heli jiray saaxiibbada caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu ka digay in dhaqaale la’aanta hadda jirta ay si toos ah u saameyn karto howl-galka nabad-ilaalinta ee Soomaaliya, kaas oo soo maray marxalado kala duwan tan iyo markii la bilaabay sannadkii 2007, isagoo xusay in joogtaynta howl-galka ay muhiim u tahay xasiloonida Soomaaliya iyo guud ahaan amniga gobolka.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) uu joojiyay taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray howl-galka AUSSOM, iyadoo howl-galka laftiisa lagu wado inuu dhammaado 31-ka December 2026 haddii aan laga gaarin go’aan cusub oo ku saabsan maalgelintiisa iyo mustaqbalkiisa.

Dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa la filayaa inay shirka Kampala ku falanqeeyaan sidii loo heli lahaa ilo cusub oo dhaqaale, loona xaqiijin lahaa sii socoshada howl-galka, iyadoo sidoo kale diiradda la saarayo qorshaha kala guurka amniga iyo sidii ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amniga dalka.

Maalinta berri ayaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay kulan gaar ah ku yeeshaan magaalada Kampala. Kulankaas ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xaaladda amni ee Soomaaliya, caqabadaha dhaqaale ee AUSSOM iyo mustaqbalka howl-galka.

Kulankan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah jihada uu qaadan doono howl-galka AUSSOM, maadaama go’aannada ka soo baxa ay saameyn ku yeelan karaan qorshaha kala guurka amniga, taageerada caalamiga ah iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Si kastaba, baaqa Uganda ayaa imanaya xilli qaar kamid ah mucaaradka ay si toos ah warqad ugu direen dalalka ay ciidamadoodu qeybta ka yihiin howl-galka AUSSOM iyo taageerayaasha howl-galkaas, kaasi oo ku muujiyeen walaaca amniga Soomaaliya

Warqadda oo uu direy Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dalalka ay ciidamadoodu qeybta ka yihiin howl-galka AUSSOM loogu soo jeediyay in loo baahan yahay dhismaha gole KMG ah, si loo badbaadiyo sharciyadda iyo kalsoonida.

Golaha ayaa dalalka Afrikaanka ah ee ciidamada ku taageera howl-galka AUSSOM ka codsaday inay sii wadaan taageeradooda inta laga helayo xal siyaasadeed oo laga gaaro khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Sidoo kale, waxay madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ka codsadeen inay taageeraan dadaal kasta oo horseedaya heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyagoo sheegay in heshiiskaas uu yahay shuruudda ugu muhiimsan ee guusha howlgal kasta oo amni iyo xasilin ah oo ka socda gudaha Soomaaliya.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Puntland Surrounds a Federal Force in Galkayo and Calls It Law Enforcement - Somali News in English

Puntland Surrounds a Federal Force in Galkayo and Calls It Law Enforcement – Somali News in English

WardheerNews

Turkey’s New Armored Vehicles Arrive in Somalia as Political Questions Overshadow Military Cooperation

Muxuu Xasan Sheekh kusoo arkay dekedda Muqdisho? + Sawirro

Muxuu Xasan Sheekh kusoo arkay dekedda Muqdisho? + Sawirro

Dynamic Country URL Go to Country Info Page