Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saarayo muhiimadda ay badaha Soomaaliya u leeyihiin kobaca dhaqaalaha, amniga, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta kheyraadka buluugga ah.
Madaxweynaha ayaa khudbaddii furitaanka ku sheegay in badaha Soomaaliyeed ay yihiin hanti qaran oo laf-dhabar u noqon karta horumarka dalka, haddii si hufan loo maareeyo loogana faa’iideysto.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladda, dowlad-goboleedyada iyo dhammaan dhinacyada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta iyo maareynta khayraadka badda, si waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, xoojinta amniga badda iyo la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda ay dhiirrigelinayso maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee la xiriira xeebaha iyo dekedaha dalka, si loo kordhiyo fursadaha dhaqaale iyo shaqo-abuurka.
Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, ganacsato, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kale.
Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo aragtiyo lagu horumarinayo ka faa’iideysiga khayraadka badda Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo ilaalinta deegaanka, amniga badaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka.