Mucaaradka DF oo war culus kasoo saaray dagaalka Gaalkacyo, weerarayna Xasan

"Xasan Sheekh wuxuu taagan yahay meeshii uu ku dhiman lahaa"
August 5, 2026

LATEST NEWS

Mucaaradka DF oo war culus kasoo saaray dagaalka Gaalkacyo, weerarayna Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa PSF-ta ee taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shariif ayaa sheegay in mas’uuliyadda wixii dhacay uu qaadayo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku eedeeyay inay talo xumadiisa tahay xiisadaha siyaasadeed iyo rabshadaha hubeysan ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan magaaladda Gaalkacyo.

“Waxaan si wayn uga xumahay kana tacsiyeeynayaa khasaaraha ka dhashay qalalaasaha amni darro ee ka dhacay maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,” ayuu Sheekh Shariif ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku wada nool magaaladda inay si wadjir ah uga hortagaan ficillada gurracan ee la doonayo in la isaga horkeeno.

“Niidaamka waqtigiisu dhammaaday wuxuu horay uga sameeyey dowladaha Koonfur Galbeed iyo Jubaland dagaallo kan la mid ah, mana ahan wax bulshada Soomaaliyeed ay indhaha ka sii daawan karto,” ayuu yiri.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

Waxaan si wayn uga xumahay kana tacsiyeeynayaa khasaaraha ka dhashay qalalaasaha amni darro ee ka dhacay maanta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Waxaan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku wada nool Magaaladda inay si wadjir ah uga hortagaan ficillada gurracan ee la doonayo in la isaga horkeeno.

Waxaan si adag u cambaareynayaa xilkasnimo darrada Madaxweynaha muddo dhaafka ah, Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga si toos ah u qaadayaa mas’uuliyadda iyo talo xumada xiisadaha siyaasadeed & rabshadaha hubeysan ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan Magaaladda Gaalkacyo.

Niidaamka waqtigiisu dhammaaday wuxuu horay uga sameeyey dowladaha Koonfur Galbeed iyo Jubaland dagaallo kan la mid ah, mana ahan wax bulshada Soomaaliyeed ay indhaha ka sii daawan karto.

Waxaa nasiib-darro ah in Madaxweynuhu meel iska dhigay la dagaallankii kooxaha Argagixisada ee halista ku ah dowladnimada islamarkaana dhinaca kale, ciidankii Qaranka iyo dhaqaalihii ummmmada loo adeegsanyo dano siyaasadeed oo u adeegaya koox gaar ah.

Waxaa haddaba ummadda Soomaaliyeed saaran waajib Qaran oo ay qasab nagu tahay sidii gacmaha loo qaban lahaa madaxweynaha muddo dhaafka ah maadama ay ka gudbeen xayndaabka dowladnimada.

Dowladnimada jiilcsan ee dalkeenna, waxay u baahantahay dib-u-heshiisiin, tanaasul, xasillooni siyaasadeed, wadjir iyo midnimo, hase ahaatee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu qaaday jid kaas ka duwan, oo ah qas iyo fowdo, waxaana mar kale ugu yeerayaa in uu dalka iyo dadka u turo, kuna soo laabto miiska wadahadallo dhab ah.

Shariif Sheekh Axmed
Madaxweynihii 7aad ee JFS

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Former President Sharif Sheikh Ahmed Blames Hassan Sheikh for Galkayo Violence

The SNA Brigade That Fell at Teedaan Was Starved of Ammunition - Somali News in English

The SNA Brigade That Fell at Teedaan Was Starved of Ammunition – Somali News in English

WardheerNews

Al-Shabaab Opens Multiple Fronts as Somalia’s Political Crisis Deepens

Dynamic Country URL Go to Country Info Page