Xamza oo digniin culus u diray wakiilada beesha caalamka

RW Xamza iyo Jubaland oo si kulul iskugu jawaabay – Maxaa la isku qabtay?
August 11, 2026

LATEST NEWS

Xamza oo digniin culus u diray wakiilada beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Nidaamka Cuntada Soomaaliyeed (NAFIS 2026) ayaa farriin culus u diray wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ka gudubtay caqabado kala duwan oo ay soo martay iyo xaaladii kumeel gaarnimada.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xubnaha beesha caalamka inay wax ka bedelaan sida ay hadda ula dhaqmaan Dowladda Soomaaliya, maadaama ay xaqiijisay guullo waa wayn oo la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

“Beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha dhibaatada ugu weyn iyaga ayay haysataa oo u baahan in ay isbeddelaan. Soomaaliyadii ay yiqiineen ee KMG-ka ahayd ayay weli ku socdaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha yaa imaanaya xilli haatan wakiilada beesha caalamka ay Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ku cadaadinayaan in ay gaaraan heshiis loo dhan yahay si uu dalka u aado doorasho loo dhan yahay.

Waxaa kale oo socda wada-hadallo hoose oo lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka daba dheeraaday ee labada dhinac, si xal loogu helo muranka hareeyay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad adag oo ka dhalatay isgoyska siyaasadeed ee ay taagan tahay, taas oo mugdi sii gelinaysa mustaqbalka dalka, maadaama aan weli si cad loo ogeyn jihada uu dalku u socdo.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegaysa kursiga madaxtinimada...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid dal aqoonsaday madax-bannaanida Israa’iil ee…

The Army Chief Wants Ali Jeyte Back in Hiiraan - Somali News in English

The Army Chief Wants Ali Jeyte Back in Hiiraan – Somali News in English

WardheerNews

Somalia’s Post-Federal Governance Map – WardheerNews

Dynamic Country URL Go to Country Info Page