Wafdi ka socda Congress-ka iyo milatariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo

Wafdi ka socda Congress-ka iyo milatariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo
July 29, 2026

LATEST NEWS

Wafdi ka socda Congress-ka iyo milatariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Xubno ka socda Golaha Congress-ka iyo saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wadigan ayaa booqan doono xarumaha ciidamada AUSSOM ee ku yaalla halkaasi, waxayna sidoo kale la kulmi doonaan madaxda sare ee Jubbaland, iyaga oo kala hadli doono arrimo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale, wafdiga ka socda Mareykanka ayaa wada wada tashiyo ku aadan mustaqbalka AUSSOM, wuxuuna wadaa qiimeyn, kahor shirka ka dhacaya Uganda oo ay isugu tegi doonaan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in booqashadooda ay kusii gaari doonaan magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxda Puntland iyo Somaliland oo ay kala hadli doonaan arrimaha ammaanka.

Booqashada wafdigan ayaa kusoo aadeysa xilli mustaqbalka AUSSOM uu galay hubanti la’aan, kadib markii Mareykanka uu sheegay inuusan taageeri doonin sii wadista howlaha Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS, wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan.

UNSOS ayaa AUSSOM siisa adeegyada muhiimka ah ee ay ka mid yihiin cuntada, biyaha, shidaalka, gaadiidka, adeegyada caafimaadka iyo daad-gureynta ciidamada dhaawacma.

Mareykanka ayaa Midowga Afrika ku wargeliyey inuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka hor istaagi doono qorshe kasta oo sii wadaya taageerada dhaqaale iyo tan farsamo ee UNSOS. Miisaaniyadda UNSOS ayaa gaareysa ku dhowaad $500 milyan sanadkii, halka AUSSOM ay sidoo kale la daalaa-dhaceyso dhaqaale yari weyn oo wiiqday awooddeeda howlgal.

Si kastaba, ha’ahaatee, AUSSOM waxaa ka tirsan ku dhowaad 12,000 oo askari, kuwaas oo ciidamada Soomaaliyeed ka taageera dagaalka Al-Shabaab iyo ilaalinta xarumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho iyo gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

President Deni Turns the Galkayo Operation Into a Message for Mogadishu - Somali News in English

President Deni Turns the Galkayo Operation Into a Message for Mogadishu – Somali News in English

WardheerNews

Former President Sharif Sheikh Ahmed Blames Hassan Sheikh for Galkayo Violence

"Xasan Sheekh wuxuu taagan yahay meeshii uu ku dhiman lahaa"

Mucaaradka DF oo war culus kasoo saaray dagaalka Gaalkacyo, weerarayna Xasan

Dynamic Country URL Go to Country Info Page