Sidee Cirro loogu soo dhaweeyay Mareykanka?

Sidee Cirro loogu soo dhaweeyay Mareykanka?
September 5, 2026

LATEST NEWS

Sidee Cirro loogu soo dhaweeyay Mareykanka?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dagay garoonka Washington Dulles International Airport (IAD) ee Magaalada Washington D.C, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in soo dhaweynta madaxweynaha ay ka qayb-galeen bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Maraykanka iyo saaxiibada Somaliland ee ku sugan dalkaasi.

Cabdiraxmaan Cirro oo maalmo sii joogi doono Mareykanka ayaa waxa safarka ku wehelinaya Marwada Koowaad ee Somaliland iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin;- 1-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah 2-Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada, 3-Wasiirka Gaashaandhigga, 4-La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, 5-La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah .

Waxaa kale oo wafdiga Madaxweyne Cirro ku soo biiri doona Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Wasiirka Madaxtooyada iyo La-taliyaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, sida ay sheegtay madaxtooyadu .

Inta uu Madaxweynaha Somaliland ku guda jiro safarkiisa dalka Maraykanka, waxa uu kulamo iyo wada-hadallo la yeelan doonaa mas’uuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah, isaga oo diiradda saari doona xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, maalgashiga, iyo taageerada qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha uu madaxda Mareykanka u gudbin doono aragtida Somaliland, muhiimadda ay leedahay iyo rabitaanka shacabka ee ku aadan inay helaan aqoonsi caalami ah.

“Safarkani ma aha oo keliya booqasho diblomaasiyadeed, balse waa juhdi Qaran oo lagu horumarinayo danaha, sumcadda iyo himilada Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo Madaxweynaha iyo weftigiisu ay Washington u gudbin doonaan aragtida Somaliland, xaqiiqadeeda siyaasadeed, doorkeeda istaraatiijiga ah iyo rabitaanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah in dalkoodu helo aqoonsi iyo xidhiidh caalami ah oo ku salaysan dano-wadaag iyo iskaashi midho-dhal ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada.

Booqashada Cabdiraxmaan Cirro oo ah tii ugu horreysay ee uu madaxweyne ahaan ku tego Mareykanka ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo horumarinta qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

Somaliland ayaa haatan wadda dadaallo diblumaasiyadeed oo ay ku doonayso inay xoojiso xiriirkeeda caalamka, gaar ahaan Mareykanka.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Eritrea oo jawaab ka bixisay tallaabada uu qaaday Mareykanka

Eritrea oo jawaab ka bixisay tallaabada uu qaaday Mareykanka

Dynamic Country URL Go to Country Info Page