Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aanno cusub oo lagu adkaynayo sugidda amniga gobollada Awdal iyo Salal, iyadoo mamnuucday abaabulka dagaal iyo qaadashada hubka wixii ka dambeeya 2:00 duhurnimo ee Axadda maanta.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) ayaa sheegay in waqtiga loo qabtay kadib aan gobolladaasi laga samayn karin abaabul hubaysan, isla markaana aan la oggolaan doonin in qof si gaar ah u sita hub.
Ciidamada ammaanka ayaa lagu amray inay tallaabo waafaqsan sharciga ka qaadaan dadka lagu qabto iyagoo sita hub aan sharciyeysneyn.
Hubka laga qabto dadka aan haysan fasax sharci ah ayaa lagu wareejin doonaa ciidamada, halka dadka lagu qabtana loo gudbin doono hay’adaha garsoorka.
Cabdirashiid Magaalo ayaa sidoo kale sheegay in qof kasta oo dagaal hubaysan kala hor yimaada ciidamada, isla markaana ku dhaawacma ama ku dhinta aanu magdhow ka dalban karin xukuumadda.
Dhinaca kale, xukuumaddu waxay ugu baaqday odayaasha dhaqanka iyo shacabka ku nool Awdal iyo Salal inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falal sababi kara rabshado iyo dib-u-soo-noqoshada isku dhacyada.
Awaamiirtan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli gobollada Awdal iyo Selel ay dhawaanahan ka jireen xiisado iyo Salal horimaadyo dhex maray qaybo ka mid ah bulshada deegaanka, iyadoo marar kala duwan la sameeyay heshiisyo nabadeed iyo dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xaaladda.
Inkasta oo ay jireen dadaallo dib-u-heshiisiin ah, haddana xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay in hawlaha lagu xaqiijinayo nabadda gobolladaasi ay weli socdaan, iyadoo awaamiirta cusub lagu sheegay kuwo la xiriira xoojinta amniga.
Tallaabada cusub ayaa sidoo kale kusoo aadaysa xilli maamulka uu diiradda saarayo ka hortagga abaabul kasta oo hubaysan iyo dhaq-dhaqaaqyo sababi kara in xiisadaha ka jira Awdal iyo Salal ay mar kale isu beddelaan rabshado.