Garoowe (Caasimada Online) — Golaha Wasiirrada Puntland ayaa dhowaan go’aamiyay in hay’adaha caddaaladda loo gudbiyo siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo shaqsiyaad saameyn ku leh baraha bulshada oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin falal lagu khalkhal-gelinayo amniga iyo nidaamka maamulkaasi.
War kasoo baxay Golaha Wasiirrada ayaa lagu faray hay’adaha amniga iyo kuwa caddaaladda inay tallaabo sharci ah ka qaadaan dadka lagu tuhmo abaabulka falal wax u dhimaya amniga iyo xasilloonida Puntland.
Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dadka uu go’aankani sida gaarka ah u saameyn karo ay ku jiraan siyaasiyiin taageersan dowladda federaalka iyo saraakiil ciidan oo muddooyinkii dambe sheegay inay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale faray dhammaan hay’adaha amniga in deegaannada Puntland aan lagu dhex wadan karin ciidamo iyo gaadiid dagaal oo aan ka tirsanayn ama fasax ka haysan hay’adaha amniga Puntland.
Go’aankan ayaa sii adkeynaya tallaabooyin ay Puntland horey u qaaday, kadib markii bishii Juun ay xaddidday dhaqdhaqaaqa ciidammada iyo kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh dowladda federaalka.
Xiisadda ayaa bishii Luulyo isu beddeshay iska horimaad hubeysan, markii ciidamada Puntland iyo kuwa PSF ay ku dagaallameen deegaanka Laag ee duleedka Boosaaso. Qaar ka mid ah saraakiisha PSF ayaa markaas sheegay inay hoos tagaan dowladda federaalka Soomaaliya.
Golaha Wasiirrada Puntland ayaa dhinaca kale go’aamiyay in tallaabo waafaqsan sharciga laga qaado mulkiilayaasha iyo adeegsadayaasha baraha bulshada ee faafiya warar ay dowladdu ku tilmaantay kuwo aan xaqiiqda ku dhisnayn ama lagu sumcad-dilayo hay’adaha dowliga ah.
Goluhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay warbaahinta iyo suxufiyiinta ka hawlgala Puntland inay ilaaliyaan xeerarka saxaafadda iyo anshaxa mihnadda.
Dhanka amniga badda, ciidamada ayaa lagu amray inay xoojiyaan la-dagaallanka dambiyada abaabulan ee ka dhaca xeebaha iyo badaha, oo ay ku jiraan burcad-badeednimada iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah. Puntland waxay sheegtay in cid kasta oo ku xadgudubta biyaha ay maamusho la horkeeni doono caddaaladda.
Go’aannadan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda federaalka ay gaartay heerkii ugu sarreeyay muddooyinkii dambe, isla markaana ciidamada Puntland ay howlgallo ka dhan ah PSF iyo ciidamo kale oo taageersan dowladda federaalka ka sameeyeen magaalooyin dhowr ah.
Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, ciidamada Puntland ayaa la wareegay xarumo ay ciidammadaasi ku lahaayeen Gaalkacyo iyo Boosaaso, kadib dagaallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac dhexmaray.
Hase yeeshee, weli waxaa duleedka Garoowe ku sugan ciidamo uu hoggaamiyo Jen. Jimcaale Jaamac Takar, kuwaas oo wata gaadiid dagaal oo lagu qiyaasay ilaa 30 iyo ciidamo tiro badan. Ciidamadan ayaa horey u sheegay inay ka tirsan yihiin taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xiisadda hadda taagan ayaa qeyb ka ah khilaaf siyaasadeed iyo mid amni oo muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, kaas oo bilihii ugu dambeeyay si tartiib ah ugu sii gudbay loollan ku saabsan cidda awoodda u leh abaabulka iyo maamulka ciidamada ka howlgala gudaha Puntland.