DF oo shaacisay waxa uu ka dhigan yahay heshiiska Turkey, Sacuudiga iyo Pakistan

DF oo shaacisay waxa uu ka dhigan yahay heshiiska Turkey, Sacuudiga iyo Pakistan
August 7, 2026

LATEST NEWS

DF oo shaacisay waxa uu ka dhigan yahay heshiiska Turkey, Sacuudiga iyo Pakistan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay heshiiska cusub ee difaaca wadajirka ah ee ay Jimcaha maanta ah ay magaalada Makka ku kala saxiixdeen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa amniga wadajirka ah iyo iskaashiga milatari.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ugu hambalyeysay saddexda dal saxiixa “Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka”, iyadoo sheegtay inuu abuurayo iskaashi istaraatiiji ah oo awood u leh inuu wax ka qabto caqabadaha amni ee ay wadaagaan.

“Heshiiskani wuxuu matalayaa tallaabo taariikhi ah oo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga wadajirka ah, lagu horumarinayo iskaashiga difaaca, laguna dhisayo iskaashi istaraatiiji ah oo wax ku ool ah si looga hortago caqabadaha amni ee la wadaago,” ayay wasaaraddu tiri.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay aaminsan tahay in heshiisku gacan weyn ka geysan doono dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka, isla markaana uu xoojinayo iskaashiga, isku-duubnida iyo mas’uuliyadda wadajirka ah.

Heshiiska ayaa lagu saxiixay Qasriga Al-Safa ee magaalada Makka, kadib shir ay yeesheen Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in heshiisku ku dhisan yahay xiriirka taariikhiga ah ee saddexda dal, walaaltinimada iyo isku-duubnida Islaamka, iyo danaha istaraatiijiga ah ee ay wadaagaan.

Qodobka ugu weyn ee heshiiska ayaa dhigaya in weerar hubeysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood. Heshiisku wuxuu sidoo kale dhigayaa in la ballaariyo dhammaan dhinacyada iskaashiga difaaca ee Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan.

Xilli xasaasi ah

Heshiiska ayaa imanaya xilli xaaladda amni ee Bariga Dhexe ay aad u kacsan tahay, iyadoo dalalka gobolka ay wajahaan khataro isa soo taraya oo la xiriira dagaallada, weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo loollanka quwadaha gobolka.

Sacuudiga ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday feejignaanta amniga, iyadoo walaac laga muujinayo weerarro lagu qaado xarumaha tamarta iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah ee boqortooyada.

Heshiiska cusub sidoo kale ma ahan bilowga iskaashiga difaac ee Riyadh iyo Islamabad. Sacuudiga iyo Pakistan ayaa horey u lahaa iskaashi milatari oo muddo dheer soo jiray, waxaana labada dal ay sii xoojiyeen xiriirkooda difaaca sanadihii ugu dambeeyay.

Ku biirista Turkiga waxay heshiiska siinaysaa miisaan dheeraad ah, maadaama Ankara ay leedahay mid ka mid ah ciidamada ugu awoodda badan NATO, warshado difaac oo si weyn u kobcay iyo khibrad milatari oo ka baxsan xuduudaheeda.

Pakistan ayaa dhankeeda leh ciidan weyn iyo awood nukliyeer, halka Sacuudigu leeyahay awood dhaqaale iyo saameyn siyaasadeed oo muhiim ah oo ka jirta Bariga Dhexe iyo dunida Muslimka.

Saddexda dal ayaa sheegay in heshiiska looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda wadajirka ah ee looga hortagayo gardarro kasta, isla markaana lagu taageerayo nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka.

Xiriirka Soomaaliya

Soo dhoweynta Muqdisho waxay sidoo kale ku soo aadeysaa iyadoo Soomaaliya ay xiriir difaac oo xooggan la leedahay laba ka mid ah saddexda dal ee heshiiska saxiixay.

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada ugu waaweyn ee Soomaaliya dhinaca amniga iyo difaaca. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii February 2024 ansixiyay heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale oo 10 sano ah oo labada dal dhexmaray, kaas oo ay Muqdisho sheegtay inuu muhiim u yahay ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo kheyraadkiisa badda.

Ankara ayaa muddo sanado ah tababar iyo qalab siinaysay ciidamada Soomaaliya, waxayna Muqdisho ku leedahay xarunta TURKSOM oo ah mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee lagu tababaro ciidamada Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa sidoo kale sanadkan xoojiyay xiriirkooda difaaca, kadib markii labada dowladood ay Riyadh ku saxiixdeen heshiis iskaashi militari oo lagu ballaarinayo wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo difaaca.

Muqdisho ayaa sidoo kale dhowaan muujisay taageerada ay u hayso amniga iyo xasilloonida Sacuudiga, iyadoo cambaareysay hanjabaado loo jeediyay boqortooyada.

Soo dhoweynta heshiiska Makka ayaa sidaas darteed ku soo aadeysa xilli Soomaaliya ay sii xoojineyso xiriirkeeda amni iyo difaac ee dalalka muhiimka ah ee Bariga Dhexe iyo kuwa ku teedsan Badda Cas.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

UNSOS End Leaves Southern Somalia Dangerously Exposed - Somali News in English

AUSSOM Chiefs Approve an Offensive Plan Nobody Has Funded – Somali News in English

WardheerNews

Kleptocracy and Nepotism: The Family Business of Somalia

The Puntland Council of Ministers Writes Its Gains Into Law - Somali News in English

The Puntland Council of Ministers Writes Its Gains Into Law – Somali News in English

Dynamic Country URL Go to Country Info Page