Pakistan oo AFAR faa’iido weyn ka helaysa heshiiska Soomaaliya

Pakistan oo AFAR faa’iido weyn ka helaysa heshiiska Soomaaliya
August 5, 2026

LATEST NEWS

Pakistan oo AFAR faa’iido weyn ka helaysa heshiiska Soomaaliya

Islamabad (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Pakistan ayaa 4-tii August 2026 magaalada Islamabad ku kala saxiixday is-afgarad cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca difaaca, iyadoo heshiiskaasi lagu ballaarinayo wada-shaqeynta labada dal ee amniga iyo horumarinta ciidamada.

Heshiiskaas waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Pakistan, Khawaja Asif. Heshiiska ayaa diiradda saaraya iskaashiga la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha milatari iyo tayeynta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Heshiiskan cusub ayaa daba socda hannaan iskaashi oo shan sano ah oo labada dal ay wada dejiyeen sanadkii 2025, kaas oo xoogga saaraya horumarinta ciidamada badda Soomaaliya.

Qorshahaasi waxaa ku jira tababarka ciidamada badda, dayactirka maraakiibta, dhismaha cutubyo cusub oo badeed, hawlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda iyo qabashada shir sannadle ah oo ay yeeshaan Guddiga Wadajirka Iskaashiga Difaaca.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in labada dhinac ay ka wada-hadlayaan heshiis difaac oo lagu qiyaasay ilaa 900 milyan oo dollar, kaas oo Soomaaliya ay ku heli karto 24 diyaaradood oo dagaal oo nooca JF-17 Block III ah. Haddii uu hirgalo, wuxuu noqon karaa mid ka mid ah heshiisyadii ugu waaweynaa ee dhinaca difaaca ee Soomaaliya gasho muddo tobannaan sano ah.

Dhinaca Pakistan, heshiiskan ayaa loo arkaa fursad istiraatiiji ah oo ka baxsan xiriirka diblomaasiyadeed ee caadiga ah. Sida uu sheegay Ali K. Chishti, oo ah khabiir ku takhasusay siyaasadda iyo amniga, haystana shahaadada PhD ee Cilmiga Daraasaadka Amniga iyo Siyaasadda Juqraafiyeed (Geopolitics), Pakistan waxay heshiiskan ka faa’iidi kartaa:

  1. Inay hesho saameyn istiraatiiji ah oo ku dhow Bab al-Mandab iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Badweynta Hindiya.
  2. Inay ballaariso dhoofinta qalabka difaaca iyo saameynta tababarrada milatari ee muddada dheer.
  3. Inay xoojiso awooddeeda diblomaasiyadeed iyo saameynta ay ku leedahay Geeska Afrika.
  4. Inay ka mid noqoto iskaashiyada sii kordhaya ee Soomaaliya la leedahay dalalka sida Turkiga iyo Sacuudiga.

Khubarada ayaa aaminsan in Pakistan ay si tartiib tartiib ah u ballaarineyso xiriirkeeda milatari iyo diblomaasiyadeed ee ka baxsan Koonfurta Aasiya, halka Soomaaliya ay dhankeeda sii xoojinayso iskaashiga ay la leedahay waddamada taageera dib-u-dhiska iyo horumarinta ciidamada qalabka sida.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

President Deni Turns the Galkayo Operation Into a Message for Mogadishu - Somali News in English

President Deni Turns the Galkayo Operation Into a Message for Mogadishu – Somali News in English

WardheerNews

Former President Sharif Sheikh Ahmed Blames Hassan Sheikh for Galkayo Violence

"Xasan Sheekh wuxuu taagan yahay meeshii uu ku dhiman lahaa"

Mucaaradka DF oo war culus kasoo saaray dagaalka Gaalkacyo, weerarayna Xasan

Dynamic Country URL Go to Country Info Page