Maxay tahay cabsida amni ee soo wajahday Aadan Madoobe?

Maxay tahay cabsida amni ee soo wajahday Aadan Madoobe?
August 15, 2026

LATEST NEWS

Maxay tahay cabsida amni ee soo wajahday Aadan Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa ka hadlay xaaladaha bani’aadanimo iyo kuwa amni ee maamulkaasi.

Sheekh Aadan Madoobe oo soo hadal qaaday colaadda ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan ciidamada taabacsan Lafta-gareen ee ku sugan bannaanka magaalada Baydhabo iyo Al-Shabaab oo dhinac kale ah ayaa sheegay inay halis ku hayaan shacabka, ayna sababeen barakaca qoysas badan.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay arrintaas cabsi badan ku hayso, maadaama qoysaska soo barakacay ay dareemayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah, isla markaana culeyska ugu badan uu ka jiro Koonfur Galbeed.

“Daruufo badan ayaa ka jira Koofur Galbeed dhinaca amniga nimankii ma naxayaasha iyo dhalinyaradii la khalday ee duurka ku jira ay dadkii soo cadaadiyeen iyo magaalooyinkii marka la yimid ayay daruufo ka jiraan haddii El Niño la sheegaayo ay kusii darsamaan cabsi badan ayaan qabnaa in dhibaato iska imaan karto,” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Koonfur Galbeed waa state-ka ugu dadka badan ugu barakacayaasha badan xitaa Muqdisho barakacayaasha jooga inta ugu badan waxay ka yimaadeen deegaannada Koonfur Galbeed”.

Aadan Madoobe ayaa intii uu booqashada ku guda jiray Hoggaamiyaha kulan la qaatay maamulka iyo howlwadeennada hay’adda SoDMA, isaga oo ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha ay hay’addu u xilsaaran tahay, gaar ahaan ka hortagga iyo maaraynta, gurmadka degdegga ah iyo taageerada loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed xilliyada ay dhacaan musiibooyinka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey dadaallada Hay’adda SoDMA iyo shaqada muhiimka ah ee ay u hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo hay’adaha ka shaqeeya gurmadka iyo maaraynta musiibooyinka.

Ugu dambeyn, wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo diyaar-garowga iyo awoodda wax looga qabanayo xaaladaha bani’aadannimo iyo musiibooyinka dabiiciga ah, si gurmad degdeg ah oo hufan loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ay xaaladahaasi saameeyaan.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Deni oo Xasan uga hor-maray Gaalkacyo kadibna billaabay dhaq-dhaqaaq culus

Deni oo Xasan uga hor-maray Gaalkacyo kadibna billaabay dhaq-dhaqaaq culus

Puntland Moves and the Ligle Camp Changes Sides Overnight - Somali News in English

Puntland Moves and the Ligle Camp Changes Sides Overnight – Somali News in English

WardheerNews

Galkayo Youth Choose Brotherhood Over Politics in Powerful Message

Dynamic Country URL Go to Country Info Page