Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalaykulan la yeeshay saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan gobolka Mudug, xilli magaalada Gaalkacyo ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeysa Puntland iyo dowladda federaalka.
Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo ayaa ahaa mid is-xogwareysi ah, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda guud ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca amniga iyo dib-u-habeynta ciidamada.
War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Deni iyo saraakiisha ay sidoo kale ka wada-hadleen xaaladda ciidamada ku sugan degmooyinka Saaxo, Gaalkacyo iyo Galdogob, iyo sidii loo dardargelin lahaa dib-u-habeyntooda.
Waxaa kale oo kulanka looga hadlay mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka Mudug, kuwaas oo isugu jira kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xarumaha bixiya adeegyada bulshada, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada.
Kulanka Deni ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda Gaalkacyo ay maalmahan yeelatay xasaasiyad gaar ah, kadib markii Puntland ay si adag uga digtay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegayo koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug maamusho.
Puntland ayaa Xasan Sheekh ku eedeysay inuu weli wado “abaabul colaad ka dhan ah deegaannadeeda”, waxayna ku doodday in safarkaasi uu leeyahay ujeeddo lagu doonayo in qalalaase looga abuuro magaalada Gaalkacyo, oo muddooyinkii dambe ka soo kabaneysay colaado iyo xiisado soo noqnoqday.
“Dowladda Puntland waxay si dhow ula socotaa abaabulada qorshaysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud wado, waxayna ka digaysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh uu ku imaanayo Koonfurta Gaalkacyo ee Dowladda Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Madaxtooyada Puntland.
Dowladda federaalka ayaa dhinaceeda gaashaanka ku dhufatay digniintaas. Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tegayo koonfurta Gaalkacyo, isaga oo ku adkeystay in madaxweynuhu uu booqan karo deegaannada Galmudug.
“War waxaas waba ma qaadi karo waa nin iska hadlay Gaalkacyo wuu tegayaa Madaxweynuhu wuxuu tegayaa maamulka Galmudug, sida uu u joogo Dhuusamareeb marka cid uu marti uga yahay ma jirto runtii waxaan is leeyahay warqaddaas waa warqad aan qiil lahayn,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Fiqi ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray Jimcihii ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland, isaga oo sheegay inuu la saftay shisheeyihii ay is-hayeen Soomaaliya, oo uu ula jeedo Imaaraadka iyo Itoobiya, isla markaana uu taageeray kala go’a dalka, taas oo qiyaano qaran ah.
“Deni wuxuu Soomaaliya kala saftay shisheeyihii la is qabtay, wuxuu taageeray kala go’a dalka, wuxuu gacan siiyay xasuuqa walaalaha Sudan ay cadowgu u geysanayaan,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Xiisadda hadda taagan ayaa sidoo kale daba socota dhacdooyin amni oo horraantii bishan ka dhacay Gaalkacyo. 4-tii Agoosto waxaa koonfurta magaalada laga dejiyay hub ay Puntland sheegtay in dowladda federaalka u waday ciidamo ku sugan magaalada, halka maalintii xigtay ciidamada Puntland ay dagaal la galeen ciidamo ka tirsan PSF, kadibna ay la wareegeen xero ay ciidamadaasi kaga sugnaayeen waqooyiga Gaalkacyo.
Inkasta oo Madaxtooyada Puntland aysan kulanka caawa si toos ah ugu xiriirin khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, haddana waqtiga uu dhacayo ayaa muhiimad gaar ah siinaya, maadaama Mudug uu noqday meesha ugu weyn ee uu toddobaadyadii dambe kusoo ururay loollanka siyaasadeed iyo kan amni ee Muqdisho iyo Garoowe.