Maxaa ka cusub doorashada Galmudug oo dhaceysa Khamiista?

Jadwalka doorashada qof iyo codka ah oo la shaaciyay
July 28, 2026

LATEST NEWS

Maxaa ka cusub doorashada Galmudug oo dhaceysa Khamiista?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqay inuu soo dhammaaday ololihii doorashada ee deegaannada Galmudug, isla markaana maalinta Khamiista ah oo ku beegan 30-ka July ay dhici doonto doorashada.

Guddoomiyaha ayaa amray in la fujiya calaamadaha ololaha doorashada ee ku dhagan gaadiidka iyo goobaha dadweynaha, wuxuuna sheegay ololaha uu ku ekaa maanta oo Talaado ah.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay shacabka inay si buuxda uga soo qayb-galaan doorashada, isla markaana ay tagaan goobaha cod-bixinta, iyaga oo wata kaararkooda, si ay codadka u dhiibtaan.

“Guddigu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan cod-bixiyeyaasha is-diiwaangeliyay inay si buuxda uga qayb-qaataan doorashada, si nabad ahna u gutaan xuquuqdooda dastuuriga ah. Sidoo kale waxaa lagu boorinayaa cod-bixiyeyaasha inay soo qaataan kaararkooda cod-bixiyaha ama shahaadadooda ku-meel-gaarka ah ee diiwaangelinta ee looga baahan yahay, ayna raacaan tilmaamaha shaqaalaha doorashada, si loo ilaaliyo nidaamka iyo habsami u socodka doorashada,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan.

Sidoo kale, wuxuu guddigu shaaca ka qaaday in dadka aan haysan kaarka ay ku codeyn karaan shahaadada ay isku diiwaangeliyeen, isla markaana laga reebi doono codeynta kadib.

“Fiiro gaar ah muwaadiiniinta haysta shahaadada KMG ah ee diiwaangelinta ee raba inay codeeyaan waxaa shahaadada looga reebi doonaa goobta cod-bixinta, sidaas daraadeed waxaan ugu baaqeynaa muwaadiniinta ay howlwadeennada goobaha doorashad u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda sharciga ah,” ayuu sii raaciyay guddoomiyuhu.

Dhanka kale, wuxuu farriin u diray ururrada siyaasadda ee ka qayb-galaya doorashada oo uu ugu baaqay inay soo dirsadaan wakiillo aan kamid ahayn musarraxiinta, si ay goobjoog u noqdaan goobaha doorashada. Sidoo kale wuxuu warbaahinta ugu baaqay inay tebiyaan xog sax ah oo dheelitiraan, laguna kalsoonaan karo.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in amniga doorashada ay sugi doonaan ciidamada Booliska oo ka amar qaadan doono guddiga, si loo xaqiijiyo amniga cod-bixiyeyaasha, shaqaalaha doorashada iyo kormeerayaasha tegaya gobaha cod-bixinta dadweynaha.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

President Deni Turns the Galkayo Operation Into a Message for Mogadishu - Somali News in English

President Deni Turns the Galkayo Operation Into a Message for Mogadishu – Somali News in English

WardheerNews

Former President Sharif Sheikh Ahmed Blames Hassan Sheikh for Galkayo Violence

"Xasan Sheekh wuxuu taagan yahay meeshii uu ku dhiman lahaa"

Mucaaradka DF oo war culus kasoo saaray dagaalka Gaalkacyo, weerarayna Xasan

Dynamic Country URL Go to Country Info Page