Badbaadinta Dowladnimada Soomaaliya:Sharciyadda, Federaalka, iyo Halista Isbahaysiga Beelleed

WardheerNews
April 27, 2026

LATEST NEWS

Badbaadinta Dowladnimada Soomaaliya:Sharciyadda, Federaalka, iyo Halista Isbahaysiga Beelleed

W/Q Nuur Xasan Guure ( Nuuradiin)

Dulucda maqaalka: Qoraalkani wuxuu falanqeynayaa halista sharci-darrada, federalism-ka sii daciifaya, iyo shirarka kooxeysan ee dhaawici kara wada-lahaanshaha qaranka. Wuxuu ku baaqayaa wada-hadal qaran oo dhab ah, heshiis siyaasaddeed oo loo dhan yahay, iyo soo celinta kalsoonida shacabka.

Dulmar

Soomaaliya maanta waxay taagan tahay meel u dhexeysa sharci-darro, burbur iyo dowladnimo magac-u-yaal ah. Baarlamaanka Federaalka muddo-xileedkiisii wuu dhammaaday, Madaxweynaha Federaalka-na waxaa u harsan maalmo kooban oo ka harsan muddo-xileedkiisa. Haddana, halkii laga filayay in xaaladdan qaran looga jawaabo si deggan, sharciyeysan, oo loo dhan yahay, waxaa sii xoogeysanaya sawirka muujinaya in masiirka dalka lagu soo koobayo dano kooxeed, awood-urursi maamul iyo siyaasadeed, iyo shirar beeleed.

Su’aasha maanta taagan ma aha oo keliya: yaa kursiga sii joogi doona. Su’aasha dhabta ahi waxay tahay; Soomaaliya weli ma u dhaqmeysaa sidii qaran loo dhan yahay, mise waxay u sii siqaysaa kala-burbur cusub oo loo ekaysiinayo dowladnimo?

Sharciyad dhimanaysa iyo muuqaal dowladdeed

Soomaaliya maanta ma wajahayso oo keliya muran siyaasaddeed oo caadi ah. Waxay ku sugan tahay marxalad qatar ah oo laga dareemayo urta burbur dowladdeed, iyadoo hay’addihii ugu sarreeyey ee dalka ay sii shaqaynayaan, balse sharciyaddoodii si cad u luntay. Marka hay’addaha qaranku sii taagnaadaan iyagoo aan lahayn kalsoonidii iyo saldhiggii sharci ee lagu dhisay, waxa meesha yaallaa ma aha dowladnimo, balse waa muuqaal dowladdeed oo dusha ka nool, gudahana ka qurmaya.

14-kii Abriil 2026, Baarlamaanka Federaalka sharciyan wuu dhammaaday. Madaxweynaha Federaalka-na waxaa u haray maalmo kooban oo ka harsan muddo-xileedkiisa. Tani waa xaqiiqo aan u baahnayn tafsiir badan. Hase yeeshee, khatartu kuma koobna oo keliya dhammaadka muddo-xileedyada. Khatarta weyn waxay tahay in dalka lagu sii wado siyaasad ku salaysan kororsi maalmo iyo bilo aan heshiis lagu ahayn, iyadoo la iska indho tirayo xaqiiqda ah in sharciyaddu aysan ahayn kursi lagu dhego, balse ay tahay oggolaansho qaran oo la wada aqbalay.

Waxa maanta Soomaaliya ka socda uma eka dhisid qaran. Bilcaksi, waa kala-dirid qaran oo loo ekaysiinayo maamul wax hagaajinaya. Dadweynaha waxaa laga iibinayaa ereyo qurux badan sida dib-u-dhis, horumar, shidaal-qodid, dowladnimo, dimoqraadiyad, iyo dib-u-habayn doorasho. Laakiin marka dahaarka laga qaado, waxaa soo baxaya sawir fool xun: awood-urursi, qoysaysi, eex, maamul-xumo, iyo siyaasiyiin awooddii loo igmaday ugu dhaqmaya sidii hanti gaar loo leeyahay. Taasi dowladnimo ma aha; waa qaran la boobayo iyadoo magacii qaranimada lagu gabanayo.

Qabiilku ma aha cudurka, waa calaamadda cudurka

Muddo dheer Soomaalida waxaa lagu maaweelinayay doodda ah in dhibaato kasta salka ku hayso qabiil. Laakiin runta la diidayaa waa in qabiilku aanu ahayn cudurka ugu weyn, balse uu yahay calaamadda cudurka. Cudurka dhabta ahi waa dowladnimo ku salaysan caddaalad-darro iyo sharci-darro. Marka awoodda qaranka lagu soo koobo koox gaar ah; marka jagooyinka lagu qaybsado qaraabo, xidid, saaxiib iyo xero-siyaasadeed; marka hantida guud lagu maamulo mugdi; marka dhaqaalaha iyo sharciga loo adeegsado dano gaar ah, qabiilka iyo is-qaab-qaabaysiga beeluhu waxay helayaan neef iyo nolol.

Sidaas darteed, qabiilku keligiis qaran ma dumiyo. Waxa dumiya waa hoggaan-xumo, caddaalad-la’aan, iyo madax aan ixtiraamin sharciga dalka u yaal.

Federaalka la bahdilay

Federaalkii lagu ballamay inuu noqdo qaab lagu badbaadiyo dalka burburka ka soo kabanaya, maanta wuxuu marayaa heer lagu bahdilay macnihisii. Halkii uu ahaan lahaa heshiis ay qaybaha dalku iska dhex arkaan oo ay ku wada noolaan karaan, marar badan waxaa loo adeegsaday magac-u-yaal lagu gabbado amar iyo awood meel keliya ka soo baxda.

Dowlad-gobolleedyada, halkii loo aqoonsan lahaa tiirar sharci ah oo nidaamka ka tirsan lana kobcin lahaa, waxaa loo arkay caqabado haddii aysan ku aragti noqon xarunta dhexe. Taasi ma aha federaal; waa federaal la aasayo iyadoo magaciisa afka lagu hayo.

Halista shirar beeleed iyo awood-urursi kooxeed

Waxaa taas ka sii daran in xaaladda maanta jirta lagu soo koobayo dhaqdhaqaaqyo iyo shirar u muuqda kuwo hal beel ama hal xero siyaasadeed isu abaabulayso. Haddii masiirka qaran loo ekaysiiyo kulan ama abaabul ay yeeshaan kooxo gaar ah, waxaa meesha ka dhalanaya su’aal aan cidina ka leexan karin: ma hal beel baa leh mas’uuliyadda badbaadinta Soomaaliya? Ma hal koox baa go’aamin karta jihada qaranku usocdo? Ma hal magaalo baa iska leh masiirka ummad oo dhan? Aaway waxgaradkii kale ee Soomaaliyeed, kuwa ku nool Muqdisho iyo kuwa ku kala sugan magaalooyinka kale ee dalka intuba? Miyaanay arrintan wax ku lahayn?

Jawaabtu waa mid cad. Soomaaliya ma aha mashruuc gaar loo leeyahay. Ma aha hanti koox gaar ahi leedahay. Mana aha qaran ay hal beel ama hal xero-siyaasadeed ahi mas’uuliyaddiisa gaar u leedahay. Soomaaliya waa qaran wadaag ah oo ay wada leeyihiin dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Hadday sidaas tahay, badbaadinteeduna waa inay noqotaa hawl wadaag ah. Shir kasta, abaabul kasta, ama go’aan kasta oo u ekaada in qaran dhan lagu koobo cid gaar ah wuxuu sii hurinayaa kala-shakiga iyo kala-fogaanshihii hore u jiray.

Muqdisho: waa caasimad qaran, ma aha meherad kooxeed

Muqdisho, inkastoo ay tahay caasimadda qaranka, ma aha hanti beeleed ama meherad kooxeed. Waa magaalo Soomaaliyeed oo ay wada leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa ku nool culimo, waxgarad, siyaasiyiin, odayaal, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidaas darteed, in xal qaran loogu ekaysiiyo kulan ay yeeshaan kooxo gaar ahi ma aha oo keliya khalad siyaasadeed; waa gef qaran oo sii dhaawacaya dareenka wada-lahaanshaha.

Waxaa waajib ah in laga hortago wax kasta oo Muqdisho u horseedi kara dagaal beeleed ama qalalaase cusub. Nabadda hadda jirta ma mudna in la carqaladeeyo. Sidoo kale, isbeddel kasta oo siyaasadeed ama maamul waa inuu ku yimaadaa wada-hadal nidaamsan, qori isku-dhiibis siyaasadeed, iyo hannaan lagu wada qanacsan yahay, loona wada dhan yahay.

Xaqiiqooyinka deegaanka siyaasaddeed ee dalka

Dhanka kale, xaqiiqooyinka dalka yaalla lama dafiri karo. Somaliland muddo ka badan soddon sano waxay ku doodaysey gooni-isu-taag, waxayna si nidaam ah isu maamulaysay muddadaas. Puntland waxay sii adkaynaysaa madaxbannaanideeda siyaasadeed. Jubaland-na waxay si cad u sheegtay inay sii wadanayso jihadeeda ilaa laga helayo dowlad loo dhan yahay.

Marka xaqiiqooyinkaas la isku geeyo, sawirka soo baxaya waa mid cabsi leh: Soomaaliya waxay si tartiib ah ugu sii socotaa qaab u eg maamulo kala taagan oo is barbar yaal, halkii ay ahaan lahayd dowlad federaal ah oo heshiis iyo kalsooni ku dhisan.

Su’aasha ka weyn kursiga

Waxa ugu daran ayaa ah in dad badan weli ku mashquulsan yihiin su’aasha cidda kursiga sii joogi doonta, halkii ay is-weydiin lahaayeen su’aasha ka culus: sidee loo badbaadin karaa dalka? Dal laguma hagi karo ad-adayg. Lagumana ilaaliyo cabsi. Lagumana mideeyo awood sheegasho iyo is-maquunin. Dalka waxaa lagu badbaadiyaa tanaasul, heshiis, caddaalad, iyo dareen qaranimo.

Laakiin marka siyaasadda loo rogo tartan ku saabsan yaa sii joogi kara jagada, yaa ka adkaan kara cidda kale, iyo yaa awoodda isku koobaya, waxa meesha ku haraya ma aha koox gaar ah oo keliya; waxa dhimanaya ee qurmaya waa qaranimadii lafteeda.

Daahfurnaan La’aan iyo kalsooni burbur

Dowlad aan daahfurnayn ma dhisi karto kalsooni. Dowlad aan isla xisaabtan lahayn ma yeelan karto sharaf. Dowlad jagooyinka ku qaybinaysa qaraabo, xero-beelleed, saaxiibnimo iyo dano hoose ma noqon karto dowlad qaran, mana dhisi karto hay’addo waara. Waxay isu beddeshaa mashiin dano gaar ah u shaqeeya, magaca qarankana ku ganacsada.

Marka dadweynuhu arkaan in awoodda iyo hantida guud lagu adeegayo kooxo isku xiran, waxa dhimanaya rajadii shacabka ee ahayd in dowladnimada lagu helo caddaalad iyo sinnaansho. Waxaa intaas ka sii daran in dowlad lagu eedeynayo intaas oo dhibaato ahi ay rabto inay hal sano oo kale oo sharci-darro ah sii joogto si muddo-dhaaf ah.

Sharciyaddu ma aha waraaq la saxiixo

Sharciyadda laguma xalaalaysan karo, ballanqaadyo iyo rajooyin qurux badan oo keliya, sida: doorasho cod iyo qof ah ayaan qabanaynaa, dastuur baan hagaajinaynaa, ama waraaq baan saxiixaynaa. Qiil kuma filna in la yiraahdo cod tiro ah ayaan ku helnay. Sharciyaddu waa wax la aqbalo, lagu kalsoonaado, laguna wada joogo.

Haddii qaybo waaweyn oo bulshada, siyaasiyiinta, iyo dowlad-goboleedyadu dareemaan in nidaamka laga leexday ama lagu dulminayo, ma dhalanayso sharciyad dhab ah. Waxa dhalanaya waa awood sheegasho u eg sharci, balse aan lahayn ruuxii iyo macnihii sharciyadda.

Jidka xalka: Waa wada-hadal qaran iyo heshiis loo dhan yahay

Halka ay Soomaaliya maanta joogto waa meel ay dowladnimadu muuqaal ahaan taagan tahay, laakiin nafteedu dhaawacan tahay. Waa meel ay hay’adduhu aysan si huffan u shaqaynayn, kalsoonidoodii lagu qabay sii dhimanayso. Waa meel uu dalku weli magac ahaan u mideysan yahay, balse dhab ahaan u sii kala fogaanayo.

Xalka jira ma aha hanjabaad. Ma aha awood ku muquunin. Mana aha shirar cid gaar ahi yeelato oo lagu sheegto in lagu badbaadinayo qaran dhan. Xalka kaliya ee macquulka ahi waa wada-hadal qaran oo dhab ah, heshiis siyaasaddeed oo loo dhan yahay, dib-u-eegis sharciyeed oo lagu soo celinayo kalsoonida, iyo hoggaan fahmaya in kursigu aanu ka weynayn qaranka. Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay run lagu hadlo, uma baahna riwaayad lagu maaweeliyo bulshada.

Gabagabo

Su’aasha maanta taagan ma aha yaa kursiga joogi doona toddobaadyo ama bilo dheeraad ah. Su’aashu waa: yaa qaadaya mas’uuliyadda ka hor inta aanu qaranku mar kale ku dhicin godkii uu dhibka badan kaga soo baxay?

Haddii weli ay jirto caqli siyaasaddeed iyo mid hoggaamineed oo mas’uuliyad dareemaya, waa in la doortaa jidka heshiiska. Haddii weli ay jirto damiir qaran, waa in la joojiyo awood-urursiga kooxaysan. Haddii weli ay jirto aragti dowladdeed, waa in dib loo soo celiyo ixtiraamka federaalka, sharciga, iyo kalsoonida shacabka.

Haddii taas la waayo, taariikhdu mar kale waxay qori doontaa in Soomaaliya aysan ku burburin collaad qabiil oo keliya, balse ay ku burburtay hoggaan garan waayey in qaranku ka weyn yahay kursiga ay caashaqeen.

Nuur Xasan Guure (Nuuradiin)
Email: nurgure87@gmail.com  
————–
Maqaallo la xidhiidha macduucan 

Digniin Qaran: Sharciyad, Kala-guur Siyaasaddeed, iyo Waajibka Hoggaanka Qaranka WQ Nuur Xasan

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Digital Public Infrastructure (DPI): Somalia Risks Repeating Old Mistakes in a Digital Form

Muxuu yahay shakiga ay sirdoonka caalamka ka qabaan kan Soomaaliya?

Muxuu yahay shakiga ay sirdoonka caalamka ka qabaan kan Soomaaliya?

“Waa shaqsi aan sumcad lahayn”

“Waa shaqsi aan sumcad lahayn”

Dynamic Country URL Go to Country Info Page