Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa soo jeediyay in garoonka diyaaradaha Berbera loogu magac daro Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, xilli uu Washington ka wado dadaal xooggan oo uu ku raadinayo aqoonsi Mareykan ah.
Cirro ayaa sidoo kale sheegay in Trump lagu soo dhoweyn karo inuu dhismo Trump Tower ka hirgeliyo Hargeysa, isaga oo isku dayaya inuu maamulka Mareykanka tuso waxa Somaliland diyaar u tahay inay bixiso haddii xiriirka labada dhinac sare loo qaado.
Hadalladan ayuu Cirro ku sheegay wareysi uu magaalada Washington ku siiyay warbaahinta Semafor, xilli uu booqasho ku joogo Mareykanka, isla markaana uu kulamo la leeyahay mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan Congress-ka.
Waxa uu sheegay in hadafka ugu weyn uu yahay sidii Somaliland uga heli lahayd Mareykanka aqoonsi, balse dhinacyadu sidoo kale ka wada shaqeyn karaan ganacsi, maalgashi iyo iskaashi amni inta arrinta aqoonsiga laga gaarayo go’aan.
Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay Mareykanka u soo bandhigi karto dekedda Berbera, kheyraadka dabiiciga ah iyo xarumo kale oo istiraatiiji ah.
“Waxba bilaash kuma bixinayno,” ayuu yiri Cirro, isaga oo tilmaamay in heshiis kasta uu ku xirnaan doono waxa dhinaca kale lagu beddelanayo.
Saldhig militari
Cirro ayaa sheegay inuusan meesha ka saarayn in mustaqbalka Mareykanka, Israel ama dalal kale ay helaan marin militari oo ballaaran ama heshiis saldhig.
Arrintaas ayuu ku tilmaamay mid “wada-xaajood” ku xiran.
“Meesha kama saarayo,” ayuu yiri, isagoo sheegay in heshiis kasta uu ku xirnaan doono waxa Somaliland beddelkeeda ka hesho, oo ay ka mid noqon karaan taageero amni iyo xoojinta ciidamadeeda.
Berbera ayaa ku taalla meel muhiim ah oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo isku xira Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waxaana muhiimaddeeda sare u qaaday khataraha amni iyo weerarrada sanadihii dambe ka dhacay marin-biyoodka Badda Cas.
Mareykanka ayaa hore xiriir dhinaca ammaanka iyo tababarka ah ula lahaa Somaliland, balse ma laha saldhig militari oo halkaas ku yaalla, sida ay sheegtay Semafor.
Israel ayaa bishii Diseembar 2025 noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, tallaabadaas oo dowladda Soomaaliya si adag u diidday, kuna tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dalka.
Midowga Afrika iyo dalal kale ayaa sidoo kale taageeray midnimada Soomaaliya.
Tan iyo markaas, maamulka Somaliland ayaa sare u qaaday dadaalkiisa uu ku doonayo in dalal kale ay raacaan Israel, waxaana Cirro uu Mareykanka ku tilmaamay bartilmaameedka ugu muhiimsan ee ololahaas.
Deked iyo macdan
Marka laga soo tago arrimaha militari, Cirro ayaa isku dayaya inuu Washington u soo bandhigo Somaliland meel leh fursado dhaqaale, isaga oo xusay dekedda Berbera, xeebta dheer, kalluumeysiga iyo kheyraadka la rumeysan yahay inay ka mid yihiin shidaal, gaas iyo macdano.
Waxa uu sheegay in aqoonsi caalami ah uu sahli karo in shirkadaha Mareykanka iyo maalgashadayaasha kale ay si weyn u soo galaan Somaliland.
Waxa uu xusay dekedda iyo aagga ganacsiga xorta ah ee Berbera, xeeb dhererkeedu gaarayo qiyaastii 850 kiiloomitir, kalluumeysiga, iyo shidaal, gaas iyo macdano uu sheegay inay jiri karaan.
Cirro ayaa sheegay in markii uu noqday guddoomiyaha baarlamaanka sanadkii 2005 miisaaniyadda Somaliland ay ka yareyd $50 milyan, halka hadda ay gaartay qiyaastii $500 milyan sanadkii.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay toban sano gudahood noqon karto meel “aad u hodan ah” haddii la horumariyo dhaqaalaha badda iyo kheyraadka kale.
Cirro ayaa xitaa saadaaliyay in miisaaniyadda sanadlaha ah mustaqbalka gaari karto $3 bilyan ilaa $4 bilyan haddii kheyraadkaas la horumariyo.
Somaliland ayaa muddo dheer ku doodi jirtay arrimo taariikhi ah iyo kuwo siyaasadeed marka ay raadineyso aqoonsi, balse hadallada Cirro waxay muujinayaan in maamulkiisu hadda diiradda saarayo waxa uu si toos ah ugu beddeli karo aqoonsigaas.
Waxa uu Washington u bandhigayaa marin istiraatiiji ah, deked, kheyraad dabiici ah iyo maalgashi suurtagal ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba diiddan mowqifkaas, waxayna Somaliland u aragtaa qeyb ka mid ah Soomaaliya.
Muqdisho waxay sidoo kale u aragtaa Berbera, xeebaha iyo kheyraadka ku jira dhulkaas inay qeyb ka yihiin dhulka iyo hantida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Taasi waxay ka dhigeysaa dalabyada Cirro kuwo caqabado siyaasadeed iyo mid sharci ah wajahaya ka hor inta aysan dowlad ama shirkad shisheeye gelin heshiis weyn.