Macallin Mahdi oo fuliyay ballan-qaad uu horay u sameeyay + Sawirro

Macallin Mahdi oo fuliyay ballan-qaad uu horay u sameeyay + Sawirro
September 6, 2026

LATEST NEWS

Macallin Mahdi oo fuliyay ballan-qaad uu horay u sameeyay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin oo loo yaqaano (Macallin Mahdi) ayaa maanta fuliyay ballan-qaadkii uu horay ugu sameeyay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Qaranka ee sannad dugsiyeedka 2025-2026 oo dhowaan natiijadiisa ay shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Macallin Mahdi ayaa ka dhabeeyay ballan-qaadkiisii ahaa in la maamuuso ardeyda, laguna dhiirrigeliyo in la geeyo goobaha muhiimka ah ee dalka.

Sidoo kale wuxuu horay usoo jeediyay in ardeyda guuleysatay lagu qaado diyaarado, wuxuuna kuwa galay kaalmaha hore uu maanta diyaarad ku geeyay magaalada Jowhar, si ay ugu soo dalxiisaan.

Taliyaha iyo wafdiga ardayda ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay HirShabelle, waxaana sidoo kale loo sameeyay soo dhaweyn iyo martigelin wanaagsan, sida uu sheegay Macallin Mahdi oo qoraal soo saaray.

“Aniga oo ay I wehliyaan qaar ka mid ah agaasinka waxbarashada, waxaan ardayda u qaadnay safar dalxiis oo ay ku tageen magaalada Jowhar, iyadoo shirkadda STARSKY AVIATION ay door muhiim ah ka qaadatay dhiirrigelinta iyo fududeynta safarka ardayda,” ayuu yiri Macallin Mahdi.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxbarashadu waa furaha mustaqbalka dalka, Waxaan sii wadi doonnaa dhiirrigelinta iyo garab istaagga jiilka Soomaaliyeed ee wax baranaya”.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada uu taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ku xoojinayo dhiirrigelinta waxbarashada, si dalka ay uga soo baxaan jiilal aqoon leh oo mustaqbalka anfaca dalkooda iyo dadkooda.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Leadership Ethics and Institutional Integrity: Two Inseparable Foundations

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Dynamic Country URL Go to Country Info Page