Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag u cambaareeyay qaraxa ka dhacay guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub), kaasi oo dowladda ay sheegtay inuu ahaa mid ka dhashay waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guriga.
Golaha ayaa marka hore walaac xooggan ka muujiyay eedeymaha la xiriira in diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsaday weerarka, sida ay horay u shaaciyeen xubno ka mid ah mucaaradka kasoo horjeeda dowladda.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa ka falceliyay jawaabta ay dowladda ka bixisay weerarka lagu qaaday guriga Jeneraal Mahad, iyaga oo sheegay in sharraxaadda ay dowladdu ka bixisay dhacdada ay muujineyso halis horleh.
“Diidmada Dowladda Federaalka ee masuuliyadda weerarka waa arrin si weyn u walaac leh. Waxa taas ka sii khatar badan sharraxaadda la bixiyay oo sheegaysa in qaraxu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha hoyga. Sheegashada noocan ah waxay halis u tahay inay noqoto marmarsiiyo diyaar ah oo mustaqbalka loo adeegsado in lagu weeraro mucaaradka siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhanka kale, golaha ayaa ka digay faragelinta dalalka shisheeye, gaar ahaan in taageeradooda milatari loo adeegsado khilaafaadka ka jira gudaha dalka.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa faragelin kasta oo militari oo shisheeye lagu sameeyo khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, ama adeegsiga awoodaha la dagaallanka argagixisada ee shisheeye ay taageeraan oo loo adeegsado mucaaradka siyaasadeed.” ayaa mar kale yiri lagu yiri bayaanka.
Waxaa kale oo uu goluhu kusii daray “Taageeridda Soomaaliya macnaheedu ma aha taageeridda dowladda talada haysa. Taageerada la dagaallanka argagixisadu waa inay la dagaallanto Al-Shabaab, ee aysan noqon aalad lagu beegsado mucaaradka siyaasadeed ee Soomaaliya”.
Ugu dambeyn, waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaanayo waxa dhacay, cidda amartay ama fududeysay weerarka iyo haddii ay jiraan dhinacyo kale oo ku lug leh falka.