Gabar Soomaali ah oo loo saadaalinayo kursigii uu baneeyey R/W Keir Starmer

Gabar Soomaali ah oo loo saadaalinayo kursigii uu baneeyey R/W Keir Starmer
September 3, 2026

LATEST NEWS

Gabar Soomaali ah oo loo saadaalinayo kursigii uu baneeyey R/W Keir Starmer

London (Caasimada Online) – Sagal Abdi-Wali, oo ah haweeney Soomaali ah oo hoggaamisa degmada Camden ee magaalada London, ayaa loo arkaa inay ka mid tahay musharraxiinta ugu cadcad ee xisbiga Labour-ka u xulan karo kursiga baarlamaanka ee uu dhowaan baneeyey ra’iisul wasaarihii hore ee Britain, Sir Keir Starmer.

Kursiga Holborn and St Pancras ayaa bannaanaaday kadib markii Starmer uu Talaadadii 1-da September ku dhawaaqay inuu iska casilayo xubinnimadiisa baarlamaanka, taas oo dhalisay loollan xooggan oo gudaha Labour-ka ah oo ku saabsan cidda loo soo sharxayo doorashada ku-celiska ah.

Warbaahinta Britain ayaa Arbacadii sheegtay in Sagal Abdi-Wali ay raadineyso magacaabista xisbiga, iyadoo dhowr siyaasi oo kale oo ka tirsan maamulka Camden sidoo kale magacyadooda lala xiriirinayo kursiga.

Sagal ayaa bishii May loo doortay hoggaamiyaha Golaha Deegaanka Camden, waxaana haddii ay hesho musharraxnimada Labour-ka oo ay ku guuleysato doorashada baarlamaanka suuragal ah inay xilkaas ka degto bilo yar kadib markii ay qabatay.

Waxay bishii May taariikh ka dhigtay Camden markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee hoggaamisa degmada, kadib markii hoggaamiyihii ka horreeyey Richard Olszewski uu kursigiisa waayey doorashooyinkii deegaanka.

Sagal ayaa iyadoo carruur ah qaxooti ahaan ku timid Britain, waxaana qoyskeedu degay Camden.

“Camden waxay na siisay hoy iyo meel aan ku nabadgalno markii aan dalkan ku nimid qaxooti ahaan, awoodda aan maanta ugu adeegayo bulshooyinkeenna waxay ka mid tahay sharafaha ugu waaweyn ee noloshayda,” ayay sheegtay markii loo doortay hoggaanka degmada.

Khibraddeeda nololeed iyo koritaanka ay ka sameysay siyaasadda maxalliga ah ayaa hadda ka dhigi kara inay u gudubto heerka siyaasadda qaranka Britain.

Warbixinnada soo baxay ayaa sheegay in siyaasiyiin dhowr ah oo Labour-ka ka tirsan markii hore loo arkayey inay doonayaan musharraxnimada, waxaana ka mid ahaa Richard Olszewski iyo xubnaha golaha wasiirrada degmada Adam Harrison, James Slater iyo Nasrine Djemai.

Harrison ayaa sheegay inuusan tartamayn, isagoo xusay inuu xoogga saarayo waajibaadkiisa golaha deegaanka, halka Slater isna la sheegay inuu meesha ka saaray inuu doonayo kursiga.

Wargeyska The Telegraph ayaa Arbacadii sheegay in Sagal Abdi-Wali ay si rasmi ah u raadineyso magacaabista Labour-ka, taas oo ka dhigeysa mid ka mid ah magacyada ugu waaweyn ee tartanka.

Ma jiro sharci ka hor istaagaya hoggaamiye gole deegaan inuu isagoo xilka haya u tartamo baarlamaanka Britain. Hase yeeshee, haddii Sagal ay ku guuleysato kursiga Holborn and St Pancras, waxaa la filayaa inay ka degto hoggaanka Camden iyo xubinnimadeeda golaha deegaanka.

Arrintaas ayaa markaas Labour-ka ku qasbi karta inuu doorto hoggaamiye cusub oo Camden ah, iyadoo sidoo kale laga yaabo in doorasho kale oo deegaanka ah loo qabto kursigeeda.

Kursiga Holborn and St Pancras ayaa muhiimad siyaasadeed gaar ah leh, maadaama uu muddo dheer ahaa saldhigga siyaasadeed ee Keir Starmer.

Starmer ayaa markii hore sheegay inuu sii ahaan doono xildhibaan kadib markii uu ka tagay Downing Street, balse Camden New Journal ayaa Talaadadii markii ugu horreysay shaaciyey inuu go’aansaday inuu baarlamaanka ka baxo.

Starmer ayaa wargeyska u sheegay inay “sharaf iyo mudnaan weyn” u ahayd inuu matalo Holborn and St Pancras, balse uu hadda gaaray waqtigii uu “usha ku wareejin lahaa” qof kale, isaga oo sheegay inuu diiradda saarayo arrimaha caalamiga ah.

Xisbiga Labour-ka ayaa sheegay in codsiyada musharraxnimada kursigan la xirayo Jimcaha 4-ta September, halka musharraxa rasmiga ah la filayo in la doorto Arbacada 9-ka September.

Taariikhda doorashada ku-celiska ah weli lama shaacin.

Tartanka ayaa sidoo kale yeelanaya dhinac siyaasadeed oo ballaaran, kadib markii hoggaamiyaha xisbiga Green Party, Zack Polanski, uu Khamiista xaqiijiyey inuu isna isu soo taagayo kursiga.

Haddii Sagal Abdi-Wali ay hesho musharraxnimada Labour-ka kadibna ku guuleysato doorashada, waxay noqon doontaa tallaabo kale oo weyn oo ay ka sameyso siyaasadda Britain, iyadoo muddo kooban gudaheed uga soo gudbi karta hoggaanka degmada Camden una gudbi karta baarlamaanka dalkaas.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Xananbuure Graduates Cross Into Ethiopia and Mogadishu Calls It Leave - Somali News in English

Xananbuure Graduates Cross Into Ethiopia and Mogadishu Calls It Leave – Somali News in English

WardheerNews

Why the U.S. Military Presence in Bossaso Matters: A Strategic Shield on the Gulf of Aden

Somaliland oo wakiillo u dirtay Midowga Yurub, IGAD, Midowga Afrika iyo Itoobiya

Somaliland oo wakiillo u dirtay Midowga Yurub, IGAD, Midowga Afrika iyo Itoobiya

Dynamic Country URL Go to Country Info Page