Somaliland oo wakiillo u dirtay Midowga Yurub, IGAD, Midowga Afrika iyo Itoobiya

Somaliland oo wakiillo u dirtay Midowga Yurub, IGAD, Midowga Afrika iyo Itoobiya
September 3, 2026

LATEST NEWS

Somaliland oo wakiillo u dirtay Midowga Yurub, IGAD, Midowga Afrika iyo Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa qaaday tallaabo cusub oo dhinaca diblomaasiyadda ah, iyadoo wakiillo cusub u magacawday inay maamulka ku metelaan Midowga Yurub, Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD iyo Itoobiya.

Magacaabistan ayuu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) sameeyay ka hor inta uusan maanta u safrin Mareykanka, iyadoo safarkiisa uu maamulka ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirrada dibadda iyo dadaallada Somaliland ee ku aaddan sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah.

Wakiillada ay Somaliland u dirtay hay’adaha iyo dalalkaas ayaa la filayaa inay xoogga saaraan matalaadda danaha Somaliland iyo sidii loo sii ballaarin lahaa xiriirrada maamulka Hargeysa la leeyahay dhinacyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa kamid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee ay Somaliland dooneyso inay si joogto ah ula macaamisho, halka Itoobiya ay muddo dheer kamid ahayd dalalka uu maamulku xiriir dhow la lahaa.

Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Somaliland uu kordhiyay dadaallada uu ugu jiro raadinta aqoonsi caalami ah. Madaxweyne Cirro ayaa safarkiisa Mareykanka ku doonaya inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah, isagoo taageero u raadinaya ololaha aqoonsiga Somaliland.

Sidoo kale magacaabista wakiilladan iyo safarka Cirro ay kusoo aadayaan xilli Israa’iil ay waddo dadaallo la xiriira aqoonsiga Somaliland, ayna ku rabto in dalal kale ku dhiiraadan tallaabaddii ay qaaday oo kale, inkastoo Tel Aviv ay dharbaaxo adag oo dibloomasiyadeed kala kulantay go’aankaasi.

Si kastaba, Maamulka Somaliland ayaa muddo dheer ku doodayay inuu xaq u leeyahay aqoonsi caalami ah, iyadoo uu dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan ku bixiyay sidii uu u heli lahaa taageero caalami ah, kuwaas oo inta badan miro-dhalin.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Gabar Soomaali ah oo loo saadaalinayo kursigii uu baneeyey R/W Keir Starmer

Gabar Soomaali ah oo loo saadaalinayo kursigii uu baneeyey R/W Keir Starmer

Xananbuure Graduates Cross Into Ethiopia and Mogadishu Calls It Leave - Somali News in English

Xananbuure Graduates Cross Into Ethiopia and Mogadishu Calls It Leave – Somali News in English

WardheerNews

Why the U.S. Military Presence in Bossaso Matters: A Strategic Shield on the Gulf of Aden

Dynamic Country URL Go to Country Info Page