Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan barakicinta iyo dhulboobka sii xoogeysanaya ee ka socda caasimada.
Farmaajo oo weerar ku qaaday Dowladda Federaalka ayaa fal-bahallnimo ku tilmaamay in saq-dhexe guryaha laga dumiyo shacabka, gaar ahaan dadka danta yar, wuxuuna tallaabadan ku sifeeyay mid ka fog damiirka bani’aadannimo iyo dareenka Muslimnimo.
“Dhul boobka xargaha goostay iyo barakicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada caasimadda waa masiibo halis ah. In saq dhexe guryohooda lagu kor dumiyo muwaadiniin isugu jira carruur, haween, waayeel iyo qoysas danyar ah waa fal bahalnimo ah oo ka fog damiirka bani’aadannimo iyo dareenka Muslimnimo” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Dhanka kale Farmaajo ayaa farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh isag oo ka codsaday inuu joojiyo dhulboobka ka socda Muqdisho iyo barakicinta lagu hayo shacabka.
“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waxaan ugu baaqaynaa in uu si degdeg ah u joojiyo dhul boobka, barakicinta shacabka iyo adeegsiga sharcidarrada ah ee ciidamada iyo hay’adihii dowladda oo uu ka dhigay aalad uu ku barakiciyo, marna ku cabburiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu dulmiyey,” ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee dalka.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Ma jiro qiil iyo marmarsiinyo uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu u heli karo in uu muwaadiniin Soomaaliyeed habeen madow guryahooda xoog uga saaro, hantidoodana uu hortooda ku burburiyo, isaga oo ciidamadii qaranka u adeegsanaya.”
Ugu dambayn, Farmaajo ayaa xusay inuu garab taagan yahay qoysaska guryahooda laga dumiyey, kuwa la barakiciyey iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho ee,”la dulmiyey”, kuwaas oo u taagan difaaca xaqooda iyo karaamadooda”.
Bayaanka, Madaxweyne hore Farmaajo waxaa ka horreeyay qaylo dhaan kale oo ay galabta mucaaradka kasoo saareen dhulboobka ka socda magaalada Muqdisho, iyaga oo si gaar ah u cambaareeyay weerar xalay lagu qaaday xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid oo maanta burburin lagu bilaabay.