Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay Fahiima Yusuf Quuje, oo dhawaan iska casishay xildhibaanimadii baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Professor Yaasiin X. Maxamuud (Faratoon), General Mahad Cambaashe, Guddoomiyaha Guddiga Nabadda Qaranka, Cabdulqaadir Jirde, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nabadda, xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland, gaar ahaan dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadaha ka jira bariga gobolka Sool.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in tan iyo markii loo dhaariyay xilka hoggaanka Somaliland ay mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisu tahay ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo walaalaynta shacabka Somaliland, laga bilaabo bari ilaa galbeed.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in wixii khilaaf iyo xurguf ah ee jira lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo walaalnimo waarta, isagoo sheegay inuu doonayo in xiisadda Waqooyi Bari lagu wajaho hannaan nabadeed.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay siyaasiyadda Fahiima Yusuf Quuje, isagoo uga mahadceliyay ku soo laabashada maamulkiisa iyo sida ay ugu soo hiratay ciiddeeda iyo calankeeda, taas oo uu sheegay inay wax ka tari karto dadaallada nabadda iyo walaalaynta bulshada Somaliland ee bariga gobolka Sool.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Cirro ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha bulshada inay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo isku-duubnida, isagoo sheegay “in Somaliland ay tahay hoy iyo dal ay wada leeyihiin dhammaan muwaadiniinteedu, isla markaana midnimadeeda iyo nabaddeedu ay tahay mas’uuliyad qaran oo wada saaran.”