Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa ka hadlay eedeymo culus oo uga yimid Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsanaa habraacyada wasaaraddu u martay dirista qaar ka mid ah diblomaasiyiinta iyo shaqaalaheeda.
Warbixinta Hantidhowrka ayaa lagu sheegay in 14 diblomaasi loo diray dalka dibaddiisa, iyadoo aan si buuxda loo waafajin dhammaan shuruudihii iyo habraacyadii looga baahnaa, halka 19 shaqaale oo kale loo diray howlo diblomaasiyadeed iyagoo aan qaadan tababarradii looga baahnaa shaqooyinka loo magacaabay.
Qodobada ku jira warbixinta ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan habka Wasaaradda Arrimaha Dibadda u maamusho xulashada, magacaabista iyo dirista shaqaalaheeda diblomaasiyadeed, gaar ahaan marka la eego shuruudaha xirfadeed iyo tababarrada looga baahan yahay shaqaalaha loo diro safaaradaha iyo qunsuliyadaha.
Wasiir Cabdisalaan Dhaay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ay haatan ku jiraan wada-hadal iyo is-dhaafsi xogeed, si loo fahmo qodobada lagu soo bandhigay warbixinta, loona kala caddeeyo meelaha ay labada dhinac ku kala aragti duwan yihiin.
Wasiirka ayaa xusay in shaqaalaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya loo diro dalalka dibadda ay yihiin shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kuwaas oo lagu qiimeeyo aqoontooda, khibraddooda iyo shuruudaha looga baahan yahay xilalka loo magacaabayo.
Sida uu sheegay Wasiir Dhaay, marka la magacaabayo diblomaasi loo dirayo dal gaar ah waxaa la tixgeliyaa dhowr arrimood, kuwaas oo ay ka mid yihiin aqoonta iyo khibradda qofka, nooca shaqada loo dirayo iyo xaaladda dalka ama deegaanka uu ka howlgeli doono.
Wasiirka ayaa sidoo kale beeniyay in shaqaalaha Soomaaliyeed ee loo diro dibadda aysan helin tababarro ku filan oo la xiriira shaqada diblomaasiyadda, isagoo sheegay in shaqaalaha loo diyaariyo waajibaadka loo igmaday.
“Diblomaasiyiintu waxay maraan tababarro la xiriira diblomaasiyadda iyo howlaha shaqadooda,” ayuu yiri wasiirka, isagoo intaas ku daray in ay jiraan tababarro kale oo ku xiran waajibaadka iyo goobta uu qofku ka howlgeli doono.
Cabdisalaan Dhaay ayaa tilmaamay in aqoonta luqaduhu ay sidoo kale ka mid tahay qodobada lagu tixgeliyo xulashada iyo dirista diblomaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan marka loo baahan yahay in qofku si hufan ula shaqeeyo dowladda iyo bulshada dalka loo dirayo. Wuxuu tusaale u soo qaatay aqoonta luqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga, isagoo sheegay in baahida luqadeed lagu saleeyo dalka ama deegaanka uu diblomaasigu ka howlgeli doono.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in wasaaraddu ay soo dhoweyneyso talooyinka iyo tilmaamaha uu soo jeediyay Xafiiska Hanti-dhowrka, isla markaana aysan wax diidmo ah ka qabin in dib loo eego habraacyada shaqada haddii la ogaado khaladaad ama gaabisyo jira.
“Waxaan soo dhoweynaynaa wixii ay Hantidhowrku soo jeediyeen, wixii khalad ah ee jira-na waa la sixi doonaa,” ayuu yiri Wasiir Cabdisalaan Dhaay.
Si kastaba, arrintan ayaa muhiimad gaar ah u leh tayada matalaadda Soomaaliya ee caalamka, maadaama safaaradaha iyo qunsuliyaduhu ay dalka uga wakiil yihiin xiriirka uu la leeyahay dowladaha kale. Aqoonta, khibradda iyo xirfadda shaqaalaha loo diro dibadda ayaa si toos ah saameyn ugu yeelan karta waxqabadka howlaha diblomaasiyadeed.