Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay wajahayso fara-gelin shisheeye oo uu ku tilmaamay mid lagu rabo in dalka lagu sii hayo ku-tiirsanaan iyo daciifnimo siyaasadeed.
Jaamac oo ka hadlayay munaasabad xalay lagu soo dhaweynayay ayaa sheegay in dalka uu marayo marxalad xasaasi ah, taas oo ay sabab u yihiin ku-tiirsanaanta gargaarka dibadda, xaaladda dhaqaale, khatarta kooxaha hubeysan, kala-qaybsanaanta bulshada iyo siyaasado uu ku tilmaamay kuwo aan dalka wax hore u socod ah u lahayn.
Guddoomiyaha ayaa xusay in isbeddellada siyaasadeed ee socda ay keeni karaan caqabado iyo kala-aragti duwanaansho, balse uu muhiim yahay in la isku dayo waddooyin cusub oo lagu wajahayo caqabadaha jira, iyadoo natiijada ugu dambeysana loo daynayo qaddarka Alle.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay uga gudbi karto caqabadaha haysta oo keliya isku-duubni, is-aaminaad, isu-tanaasul iyo wada-shaqeyn, isagoo sheegay inuu dadaal gelin doono sidii Golaha Shacabka uu u noqon lahaa gole mideysan oo si dhab ah u matala shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaa na haysata waqti kooban oo isla markaana xasaasi ah, waxaana ku shaqeyn doonnaa aragti iyo farsamo, si aan u hoggaamiyo Golaha Shacabka oo isku duuban, si dhab ahna u matala shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Guddoomiye Jaamac.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Shacabka ay saaran tahay mas’uuliyad culus, maadaama uu yahay hay’adda wakiilka ka ah shacabka Soomaaliyeed iyo dowlad-goboleedyada dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka baarlamaanka.
“Waqtiga haray waa mid kooban oo xasaasi ah, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in baarlamaanku si hufan uga shaqeeyo mas’uuliyadda ka saaran, isla markaana uu door muuqda ka qaato xallinta caqabadaha siyaasadeed ee dalka,” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.