Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, iyadoo si adag uga digtay safar ay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo inuu ku tago koonfurta magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa Xasan Sheekh lagu eedeeyay inuu weli wado “abaabul colaad ka dhan ah Puntland”, waxaana maamulka uu sheegay inuu si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqyada la xiriira safarkiisa Galmudug.
“Dowladda Puntland waxay si dhow ula socotaa abaabulada qorshaysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud wado, waxayna ka digaysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh uu ku imaanayo Koonfurta Gaalkacyo ee Dowladda Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Puntland waxay ku doodday in safarkaasi uu leeyahay ujeeddo lagu doonayo in qalalaase looga abuuro Gaalkacyo, oo muddooyinkii dambe ka soo kabaneysay colaado iyo xiisado soo noqnoqday.
Maamulka ma uusan soo bandhigin caddeymo muujinaya in safarka Xasan Sheekh uu la xiriiro qorshe militari ama qalalaase, dowladda federaalkuna weli kama aysan jawaabin eedeymaha cusub ee Puntland.
Wararka jira waxay sheegayaan in Xasan Sheekh uu qorsheynayo safar uu ku tagayo Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb iyo deegaanka Xananbuure, halkaas oo la filayo inuu tababar ugu soo xiro cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab.
Waxa kale oo la filayaa inuu la kulmo madaxda Galmudug. Ma jiro ilaa hadda xaqiijin rasmi ah oo dowladda federaalka kasoo baxday oo ku saabsan inuu booqan doono koonfurta Gaalkacyo.
Puntland ayaa dhankeeda maamulka iyo shacabka Galmudug, gaar ahaan kuwa koonfurta Gaalkacyo, uga mahadcelisay waxa ay ku tilmaantay kaalintii ay ka qaateen ilaalinta nabadda magaalada.
Waxay sidoo kale ugu baaqday madaxda iyo bulshada Galmudug inay ka hortagaan tallaabo kasta oo ay u arkaan inay dib u hurin karto xiisadda.
“Waxayna ugu baaqaysaa Maamulka iyo Shacabka Galmudug ee Koonfurta Gaalkacyo in ay ka hortagaan isku dayada cusub ee Xasan Sheekh wado,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowladda Puntland ayaa sidoo kale shaacisay inay ciidamadeeda gelisay xaalad feejignaan sare ah, iyadoo aan faahfaahin ka bixin tallaabooyinka dheeraadka ah ee ay qaadi karto.
“Dowladda Puntland waxay heegan buuxa galisay Ciidamada Difaaca Puntland, waxayna dadweynaha Reer Puntland ku wargelinaysaa in ay u diyaar garoobaan in Dowladdu qaadayso tallaabooyin dheeri ah oo lagu adkeynayo amniga guud ahaan Puntland, gaar ahaan amniga Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada hoos yimaada,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli khilaafka siyaasadeed iyo midka amni ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka uu toddobaadyadii ugu dambeeyay si weyn ugu soo ururay gobolka Mudug.
4-tii Agoosto waxaa koonfurta Gaalkacyo laga dejiyay hub ay Puntland sheegtay in dowladda federaalka ay u waday ciidamo ku sugan dhinaceeda magaalada. Hubkaas ayaa markii dambe gacanta u galay koox hubeysan, waxaana halkaas ka dhacay iska-horimaad.
Maalintii xigtay, ciidamada Puntland ayaa dagaal la galay ciidamo ka tirsan PSF oo la sheegay inay taageero ka haysteen dowladda federaalka, kaddibna waxay la wareegeen xeradii ay ciidankaasi kaga sugnaayeen waqooyiga Gaalkacyo.
Dhacdooyinkaas ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in muranka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Garoowe uu isu beddelo loollan amni oo si toos ah uga dhex muuqda Gaalkacyo.
Magaaladu waxay leedahay taariikh xasaasi ah. Puntland iyo Galmudug ayaa sannadihii 2015 iyo 2016 ku dagaallamay Gaalkacyo, ka hor inta aan heshiisyo xabbad-joojin iyo hannaan amni oo wadajir ah lagu dhisin magaalada.
Heshiiskii Gaalkacyo ee 2017 ayaa horseeday sameynta qaabab amni oo labada dhinac ka wada shaqeeyaan, waxaana magaalada sanadihii dambe ka jiray xasillooni ka wanaagsan tii hore.
Taasi ayaa sharxaysa sababta dhaq-dhaqaaq kasta oo ciidan ama hub cusub oo magaalada soo gala uu si gaar ah u kiciyo walaac siyaasadeed iyo mid bulsho.
Khilaafka hadda jira wuxuu sidoo kale qeyb ka yahay muran ka ballaaran Gaalkacyo. Puntland iyo Villa Somalia ayaa muddo dheer isku hayay wax ka beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo awood-qeybsiga federaalka.
Puntland waxay war-saxaafadeedkeeda Xasan Sheekh ugu yeertay “Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka”, taas oo ka tarjumaysa mowqifkeeda ah in muddo-xileedkiisii afarta sano ahaa uu dhammaaday 15-kii May 2026.
War-saxaafadeedka Puntland wuxuu ugu dambeyn farriin u diray bulshada Soomaaliyeed, dalalka deriska iyo beesha caalamka, isagoo sheegay in Xasan Sheekh uu mas’uul ka noqon doono wixii colaad ama qalalaase ah ee ka dhasha xaaladda.
Hadalka cusub ayaa sidaas ku sii kordhinaya xiisad horay u jirtay, iyadoo indhaha hadda lagu hayo safarka Madaxweynaha ee Galmudug iyo sida ay labada dhinac u maareyn doonaan xaaladda xasaasiga ah ee Gaalkacyo.