“Wax Gargaar Dibaddeed Ah Uma Baahnin”- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

WardheerNews
August 3, 2026

LATEST NEWS

“Wax Gargaar Dibaddeed Ah Uma Baahnin”- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

Muqdisho (WDN) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa hadal jeedin ka fog xaqiiqda ka jirta dalka sheegay , isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka gudubtay ku tiirsanaantii gargaarka dibadda, arrintaas oo si weyn uga yaabisay bulshada Soomaaliyeed iyo falanqeeyayaasha siyaasadda.

Hadalkiisa ayaa dhaliyay dood ballaaran, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan sida dal muddo ka badan 30 sano si weyn ugu tiirsanaa taageerada caalamka xag dhaqaale, amni ahaan iyo hay’ad dhis ahaan uu hal mar isu sheegi karo inuu yahay dal isku filan.

Hadalka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kusoo beegmay xilli Soomaaliya wajahaysa caqabado siyaasadeed iyo amni oo culus. Dalku weli wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay deeqaha caalamiga ah ee lagu maalgeliyo miisaaniyadda dowladda, adeegyada bani’aadannimada, tababarka iyo qalabaynta ciidamada, iyo sidoo kale howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Dhanka kale, khilaafka siyaasaddeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ayaa weli taagan, iyadoo aan ilaa hadda laga gaarin heshiis ku saabsan doorashooyinka iyo sharciyadda hay’addaha dowladda.

Hadalka Saalax Axmed Jaamac wuxuu sidoo kale kusoo aadayaa xilli Mareykanku si rasmi ah u shaaciyay inuu 31-ka Diseembar 2026 joojinayo taageeradii saadka ee uu siin jiray howlgalka AUSSOM, oo ay ku jiraan ku dhowaad 23,000 askari oo ka socda dalalka Afrika.

Go’aankaas ayaa ku qasbay Midowga Afrika iyo dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya inay si degdeg ah gargaar uga raadiyaan Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo deeq-bixiyeyaal kale, iyadoo khubaro badan oo dhinaca amniga ahi ay ka digayaan in ciidamada Soomaaliya aysan weli diyaar u ahayn inay kaligood qaadaan mas’uuliyadda amniga dalka haddii taageeradaas ay joogsato.

Iyadoo xaaladdaas jirto ayuu Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku sheegay: “Waxaan nahay qaran isku filan dhinac kasta, waxaana ka gudubnay taakuladii Beesha Caalamka iyo caawintii Mareykanka.”

Wuxuu hadalkaas ka sheegay shir lagu dardargelinayay istiraatiijiyadda Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), halkaas oo uu ku sheegay in Soomaaliya ay dejisay qorshe ballaaran oo lagu kobcinayo ganacsiga, laguna gaarsiinayo wax-soo-saarka Soomaaliyeed suuqyada Bariga Afrika iyo suuqyo kale oo caalami ah.

Sida uu sheegay, dowladda waxay higsaneysaa dhaqaale ku dhisan wax-soo-saar gudaha ah, kobcinta dhoofinta iyo in dalka uu si tartiib tartiib ah uga baxo ku tiirsanaanta gargaarka dibadda.

Shaki kuma jiro in shacabka Soomaaliyeed muddo dheer ku taamayeen maalinta uu dalkoodu cagihiisa isku taagi doono, kana bixi doono ku tiirsanaanta joogtada ah ee gargaarka dibadda, taas oo marar badan lala xiriiriyo faragelin siyaasaddeed iyo saameyn dibadeed oo ku timaadda go’aannada gudaha. Si kastaba ha ahaatee, dhaqaaleyahanno iyo falanqeeyayaal siyaasaddeed ayaa sheegay in hamigaas iyo xaqiiqada maanta jirta ay weli aad u kala fog yihiin.

Soomaaliya wali waxay si weyn ugu tiirsan tahay taageerada beesha caalamka ee dhinacyada miisaaniyadda, amniga, adeegyada bani’aadannimada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhismaha hay’addaha dowladda. Qayb weyn oo ka mid ah hay’addaha dowladda iyo ciidamada ammaankuna waxay weli ku shaqeeyaan maalgelin dibaddeed.

Sababtaas awgeed, hadalka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa dad badan u muuqday mid ka fog xaqiiqada ka jirta dalka. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegay in hadalkaasi aanu la jaanqaadi karin xogta dhaqaale ee dowladda lafteeda, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen qiimeyn aad u fog oo aan ka tarjumayn xaaladda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee Soomaaliya maanta.

Haddaba, su’aasha ay dad badani isweydiinayaan ayaa ah mid fudud: Soomaaliya ma dhab ahaantii waxay gaartay heer ay isku filnaato, mise wali waa yool fog oo u baahan sannado badan oo dib-u-dhis, xasillooni siyaasadeed iyo dhaqaale?

WardheerNews

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Pakistan oo AFAR faa’iido weyn ka helaysa heshiiska Soomaaliya

Pakistan oo AFAR faa’iido weyn ka helaysa heshiiska Soomaaliya

President Deni Turns the Galkayo Operation Into a Message for Mogadishu - Somali News in English

President Deni Turns the Galkayo Operation Into a Message for Mogadishu – Somali News in English

WardheerNews

Former President Sharif Sheikh Ahmed Blames Hassan Sheikh for Galkayo Violence

Dynamic Country URL Go to Country Info Page