Ku dhawaad 100 ka tirsanaa Al-Shabab oo la dilay maanta

Ku dhawaad 100 ka tirsanaa Al-Shabab oo la dilay maanta
August 2, 2026

LATEST NEWS

Ku dhawaad 100 ka tirsanaa Al-Shabab oo la dilay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan, Liibaan Cumar Xasan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay bariga gobolkaasi, gaar ahaan aagga deegaanka Teedaan oo ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Liibaan Cumar ayaa wareysiga ku sheegay in ciidamada Xoogga Dalka ay guullo waa wayn kasoo hooyeen dagaalka, isla markaana lagu jabiyay xubnaha Al-Shabaab oo saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday halkaasi.

“Saaka waxaa dhacay dagaal ay codowga iyo ciidanka qaranka isku fara saareen waa lagu jabiyay, waana lagu guuleystay cadowgana dhibaato badan ayaa lagu gaarsiiyay,” ayuu yiri afhayeenka maamulka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dagaalka khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxaha Khawaarijta, isla markaana goobta looga dilay ku dhawaad 100 xubnood, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanku cadowga cashir lama ilaawaan ah ayay Teedaan ugu dhigeen shalay iyo maanta ilaa ku dhawaad boqol ayaa la sheegayaa bakhtigooda, dhaawacana intaas waa kasii badan yahay” ayuu mar kale yiri Afhayeenku.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in  xubno dhaawac ah oo laga cararay gacanta lagu soo dhigay, kuwa kale kamid ahna argagixisada ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib u riixeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, welina ay gacanta ku hayaan goobihii lagu dagaalamay. Xaafadda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaannada dhaca bariga Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Dowladda Federaalka iyo Macawiisleyda ay weli sii wadaan howlgalladii ka socday aaggaas tan iyo shalay, waxaana la sheegay inay go’doomiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaannada u dhexeeya degmada Maxaas iyo deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay qeyb ka yihiin howlgalka, kuwaas oo duqeymo ka fulinaya fariisimaha iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeymahaas.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya maalin uun kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegatay in guulo ay ka gaartay dagaallo ka dhacay isla gobolka Hiiraan. Dowladda ayaa xilligaas soo bandhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay sheegtay inay ku qabatay howlgalka, iyadoo sidoo kale xaqiijisay in duqeymo dhinaca cirka ah ay taageero u fidiyeen ciidamada howlgalka ku jiray.

Si kastaba, ha’ahaatee, Howlgallada ka socda gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada deegaanka ay ku doonayaan inay ku baabi’iyaan Al-Shabaab deegaannada ay weli kaga sugan yihiin gobolka.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Pakistan oo AFAR faa’iido weyn ka helaysa heshiiska Soomaaliya

Pakistan oo AFAR faa’iido weyn ka helaysa heshiiska Soomaaliya

President Deni Turns the Galkayo Operation Into a Message for Mogadishu - Somali News in English

President Deni Turns the Galkayo Operation Into a Message for Mogadishu – Somali News in English

WardheerNews

Former President Sharif Sheikh Ahmed Blames Hassan Sheikh for Galkayo Violence

Dynamic Country URL Go to Country Info Page