Muran ka taagan guddiga doorashada guddoomiyaha BF iyo xildhibaano ka horyimid

Muran ka taagan guddiga doorashada guddoomiyaha BF iyo xildhibaano ka horyimid
August 2, 2026

LATEST NEWS

Muran ka taagan guddiga doorashada guddoomiyaha BF iyo xildhibaano ka horyimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa ka horyimid Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ay maanta magacowday Guddoomiyaha KMG ah ee golaha, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar kadib wareegto ay soo saartay.

Xildhibaannadan oo ah kuwa mucaaradka ee la magac baxay ‘Baarlamaanka Xorta ah’ ayaa ku dooday in Sacdiya Yaasiin aysan sharci iyo awood u lahayn magacaabista guddiga, maadaama ay guddoomiye ku-xigeen ka tahay Xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Xildhibaannada Baarlamaanka xorta ah, markay arkeen warqadda sumaddeedu tahay Ref: XGGSH/670/B11/26 kuna taariikhaysan 02/08/2026, ujeedkeeduna yahay magacaabis guddi doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka, kana soo baxday xafiiska kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, ahna Gudoomiye ku xigeenka xisbiga JSP,” ayaa lagu yiri warqadda.

Sidoo kale, waxa ay intaas ku dareen in Baarlamaanka iyo Xukuumada uu ka dhammaaday muddo xileedkii rasmi ahaa, isla markaana dhammaan hay’adaha dowladda ay yihiinna xil-gaadhsiiyayaal oo kaliya.

Sababta ay ku diideen guddiga doorashada

Xildhibaannada soo saaray warqadda ayaa sheegay in xubnaha loo magacaabay guddiga ay ka tirsan yihiin Xisbiga JSP, isla markaana arrintaasi ay meesha ka saarayso dhex-dhexaadnimadooda, ayna sidoo kale shaki wayn gelinayso hufnaanta iyo caddaaladda hannaanka doorashada guddoomiyaha.

Sidoo kale, waxay sheegeen in arrintan ay qayb ka tahay ku tagrifal awoodeed oo ka socda dalka iyo burburinta nidaamka Federaalka ah, sida ay hadalka u dhigeen.

“Hadaba, waxa ayaan daro ah in Baarlamaan iyo xukuumad aan sharciyad haysan ay magacaabaan guddiyo ka tirsan xisbiga JSP, oo looga dan leeyahay in ay qabanqaabiyaan doorashada Gudoomiye cusub,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen Xildhibaannada.

“Halkii ay Soomaali isu keeni lahaayeen, badbaadin lahaayeen wadanka iyo wadajirkisa, qaban lahaayeen doorasho la isla ogol yahay oo ku dhacda waqtigeeda. Waxay ku mashquuleen kala dirka, burburinta dhammaan shuruucdii Soomaali ku heshiisay, ku tagrifal awoodeed iyo burburinta nidaamkii Federaalka ah.”

Digniin

Xildhibaannada la baxay ‘Baarlamaanka Xorta ah’ ayaa dhanka kale ka digay in Baarlamaanka  uu hormood u noqdo kala qaybinta bulshada iyo wadanka, waxayna sheegeen in talaabooyinkan ay saldhig u noqon karaan sii kala fogaanshiyaha iyo burburka dowlanimadii muddada dheer la soo yagleelayey.

Waxay sidoo kale caddeeyeen in tallaabooyinka noocan oo kale ahi ay horseedi karaan kala qaybsanaan bulsho iyo mid siyaasadeed, isla markaana loo baahan yahay in xal kasta lagu maro wadahadal, is-afgarad iyo hannaan sharci ah.

Maxay tahay shaqada guddiga ay diideen xildhibaannadu?

Guddigan oo lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ka shaqeyn doono qabashada doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, kaas oo beddali doono Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale guddiga oo ka kooban 9 Xildhibaan ayaa la faray inay gutaan waajibaadka loo igmaday, ayna isku dabaridaan hawlaha doorashada si waafaqsan xeerhoosaadka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyadoo shalay Madaxweynaha Soomaaliya uu si rasmi ah u daah-furay Kalfadhigga 8-aad ee Labada Gole ee Baarlamaanka Fedeeraalka, wuxuuna furitaanka kusoo aaday, iyadoo ay jiraan caqabado oo waaweyn oo la xiriira beddelidda dastuurka iyo arrimaha doorashooyina dalka.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Washington Signs in Bosaso and Leaves Mogadishu Waiting - Somali News in English

Washington Signs in Bosaso and Leaves Mogadishu Waiting – Somali News in English

Taliyaha Africom oo arrin yaab leh ka shaaciyey ciidanka DF

Taliyaha Africom oo arrin yaab leh ka shaaciyey ciidanka DF

WardheerNews

Puntland Marks 28 Years of Stability, Statehood and Resilience with Grand Independence-Style Celebrations

Dynamic Country URL Go to Country Info Page