Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Awoodda Shacabka ee duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta ku dhawaaqay inuu isaga baxay Midowga Haybad Qaran, isagoo go’aankiisa ku sababeeyey khilaaf la xiriira jihada siyaasadeed ee uu isbaheysigu qaaday kadib markii uu ku biiray Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Bayaan kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in Awoodda Shacabka uu ka mid ahaa 10-kii xisbi, urur iyo madal siyaasadeed ee aas-aasay Midowga Haybad Qaran, isaga oo xilligaas rumeysnaa in iskaashiga siyaasadeed uu horseedi karo xal qaran oo ku dhisan wada-tashi, dowladnimo iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Xisbiga ayaa sheegay inuu muddadii uu ka tirsanaa isbaheysiga si joogto ah u gudbinayey talooyin iyo aragtiyo la xiriira xasilloonida dalka, midnimada qaranka iyo sidii khilaafaadka siyaasadeed loogu xallin lahaa wadahadal.
“Waxaan mar walba doorbidnay wada-hadal iyo is-afgarad, annagoo aaminsan in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo hannaan nabadeed iyo Soomaali wadahadasha,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Hase yeeshee, xisbiga ayaa sheegay in markii Midowga Haybad Qaran uu ku biiray Golaha Mustaqbalka ay u muuqatay in isbaheysigu ka leexday mabaadi’dii iyo ujeeddooyinkii markii hore lagu aas-aasay.
Khilaafka Golaha Mustaqbalka
Awoodda Shacabka ayaa si gaar ah uga horyimid warqad uu sheegay in Golaha Mustaqbalka uu soo saaray 28-kii July 2026, taas oo sida xisbigu sheegay lagu dalbaday in la dhiso gole ku-meel-gaar ah oo la wareega talada dalka.
Xisbiga ayaa soo-jeedintaas ku tilmaamay mid “mas’uuliyad darro ah”, oo halis ku ah dowladnimada iyo hay’adaha rasmiga ah ee Soomaaliya.
“Warqaddii ugu dambeysay ee Golaha Mustaqbalka ee 28 July 2026 ay ku qoreen in gole ku-meel-gaar ah oo la wareega talada dalka la sameeyo waxay ahayd mas’uuliyad darro iyo in dowladnimada rasmiga ah ee Soomaaliya la doonayo 15 sano in dib loogu celiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xisbiga ayaa sidoo kale Midowga Haybad Qaran ku dhaliilay inuusan weli mowqif cad ka qaadan soo-jeedintaas, inkastoo ay taabaneyso mustaqbalka dowladnimada iyo nidaamka siyaasadeed ee dalka.
Sida bayaanka lagu sheegay, hoggaanka iyo xubnaha xisbiga ayaa wadatashiyo gudaha ah iyo qiimeyn siyaasadeed kadib go’aansaday inaysan sii joogi karin isbaheysi ay aragtidiisa siyaasadeed ka qabaan walaac weyn.
“Kadib qiimeyn iyo wadatashi gudaha Xisbiga Awoodda Shacabka, waxaan gaarnay go’aan ah in xisbigu uusan qeyb kasii ahaan karin Midowga Haybad Qaran,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Go’aan mabda’ ku dhisan
Awoodda Shacabka ayaa ku adkeystay in ka bixitaankiisu uusan ku saleysneyn colaad shakhsiyeed, naceyb siyaasadeed ama khilaaf uu la leeyahay hoggaanka iyo xubnaha kale ee Midowga Haybad Qaran.
Xisbiga ayaa sheegay in go’aanka uu ku saleysan yahay mabda’, mas’uuliyad qaran iyo ilaalinta waxa uu ku tilmaamay danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.
“Go’aanka Xisbiga Awoodda Shacabka kaga baxay Midowga Haybad Qaran ma ahan mid ku saleysan colaad iyo naceyb siyaasadeed, balse waa go’aan ku saleysan mabda’, mas’uuliyad qaran iyo inaan aaminsan nahay in danta qaranka ay ka weyn tahay danta isbaheysi kasta,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ka bixitaanka Awoodda Shacabka ayaa dhabar-jab siyaasadeed ku noqon kara Midowga Haybad Qaran, oo markii hore loo dhisay inuu mideeyo xisbiyo iyo madallo siyaasadeed oo aragti mideysan ka leh xaaladda dalka.
Go’aankan ayaa sidoo kale muujinaya kala aragti duwanaanta ka dhex jirta xoogagga mucaaradka, gaar ahaan qaabka ay tahay in loo wajaho khilaafka siyaasadeed, doorashooyinka iyo mustaqbalka hay’adaha dowladda federaalka.
Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa ugu dambeyn u mahadceliyey guddoomiyaha Midowga Haybad Qaran iyo dhammaan mas’uuliyiintii iyo xubnihii ay muddadii uu isbaheysiga ka tirsanaa soo wada shaqeeyeen.