Tel Aviv (Caasimada Online) – Warbaahinta Israel ayaa si walaac leh uga hadashay mashruuca saldhigga hawada sare ee Turkiga ka dhisayo Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay mid leh “saameyn amni” oo ka baxsan magaca rasmiga ah ee lagu sheegay iskaashi teknoolojiyadeed iyo horumarinta barnaamijka hawada sare.
Wargeyska The Jerusalem Post ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in mashruuca laga dhisayo bartamaha Soomaaliya uusan kaliya aheyn xarun dayax-gacmeedyo lagu diri doono, balse sidoo kale uu noqon karo goob lagu tijaabiyo gantaallada riddada dheer ee Turkiga.
Arrintan ayaa muujineysa sida Israel iyo warbaahinteedu ay uga walaacsan yihiin ballaarinta saameynta Ankara ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo sanadihii dambe noqotay mid ka mid ah dalalka ugu dhow Turkiga dhanka amniga, tababarka militariga, dhaqaalaha iyo mashaariicda istiraatiijiga ah.
Walaac ku wajahan saameynta Turkiga
Jerusalem Post ayaa qortay in mashruucan uu yahay qeyb cusub oo ka mid ah “maalgelin siyaasadeed, militari iyo dhaqaale” oo Turkigu muddo dheer ku sameynayay Soomaaliya, taas oo wargeysku ku sheegay inay Ankara u suurta-gelineyso inay yeelato meel istiraatiiji ah oo ay ka eegto Badda Cas, Badweynta Hindiya iyo Bariga Dhexe.
Wargeyska ayaa si gaar ah u xusay in dhismaha xarunta uu ka socdo meel ku dhow Warsheekh, oo qiyaastii 70 kiilomitir waqooyi kaga beegan Muqdisho, inkastoo warar kale oo hore ay goobta mashruuca ku xiriiriyeen deegaano kale oo xeebaha Soomaaliya ah.
Sida uu wargeysku qoray, mashruuca ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu yahay iskaashi dhinaca hawada sare ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, balse wuxuu ku dooday in goobtan ay sidoo kale xoojin karto barnaamijka gantaallada Turkiga.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in haddii xaruntu awood u yeelato tijaabinta nidaamyo gaaraya illaa 2,000 kiilomitir, sida hadda la sheegay, Israel aysan si toos ah ugu jiri doonin masaafadaas, balse lagu beegsan karo gudaha gobolka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya, oo Israel dhawaan si weyn ugu soo dhowaatay.
Qodobka Somaliland ayaa ahaa mid ka mid ah meelaha ugu muuqday walaaca warbaahinta Israel. Jerusalem Post ayaa sheegtay in Somaliland ay “militari ahaan taageero ka hesho Israel”, taas oo warbixinta ka dhigtay mid si toos ah ugu xiraysa mashruuca Turkiga ee Soomaaliya iyo loollanka cusub ee ka dhex muuqda Muqdisho, Hargeysa, Ankara iyo Tel Aviv.
Israel ayaa sanadkii hore qaaday tallaabo ay ku aqoonsatay Somaliland, arrintaas oo cambaareyn xooggan kala kulantay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Turkiga. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa xilligaas ku tilmaamay aqoonsigaas mid “sharci-darro ah” oo halis ku ah xasilloonida Geeska Afrika.
Soomaaliya ayaa dhankeeda ku celcelisay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin dowlad kale oo xaq u leh inay farageliso midnimada dhuleed ee dalka.
Iskaashi sii qoto dheeraanaya
Turkiga ayaa Soomaaliya ka noqday saaxiib istiraatiiji ah tan iyo sanadkii 2011-kii, markii Ankara ay si xooggan uga qeyb gashay gurmadkii abaartii Soomaaliya. Tan iyo xilligaas, xiriirka labada dal wuxuu u gudbay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarka ciidamada.
Sanadkii 2017-kii, Turkiga ayaa Muqdisho ka furay saldhiggiisa militari ee ugu weyn dibadda, kaas oo lagu tababaray kumannaan askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.
Bishii Febraayo 2024, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale oo muddo toban sano ah soconaya, kaas oo Ankara siinaya door ballaaran oo ku saabsan ilaalinta xeebaha Soomaaliya, la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo dhismaha awoodda badda ee Soomaaliya.
Heshiiskaas ayaa xilligaas yimid kadib markii Itoobiya ay heshiis muran dhaliyay la gashay Somaliland, kaas oo Addis Ababa ku dooneysay marin badeed iyo saldhig ciidan. Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda.
Maxay Israel ka baqeysaa?
Walaaca Israel wuxuu u muuqdaa mid ka baxsan mashruuc kaliya. Warbaahinteeda ayaa hadda si dhow u eegaysa dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Soomaaliya, gaar ahaan iyadoo Ankara ay si adag uga soo horjeeddo dagaalka Israel ee Gaza, islamarkaana Erdogan uu marar badan qaaday hadallo kulul oo ka dhan ah dowladda Israel.
Jerusalem Post ayaa warbixinteeda ku sheegtay in xiriirka Turkiga iyo Israel uu sii xumaanayay bilihii u dambeeyay, isla markaana awoodda gantaalaha iyo joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya ay ku soo aadayaan xilli Geeska Afrika uu noqday goob ay ku tartamayaan quwado badan.
Dhanka Soomaaliya, mashruuca saldhigga hawada sare waxaa loo arkaa fursad lagu hormarinayo teknoolojiyadda, lagu abuurayo shaqooyin, laguna xoojinayo doorka dalka ee iskaashiga caalamiga ah. Laakiin sida ay u qortay warbaahinta Israel, mashruuca wuxuu sidoo kale noqday calaamad kale oo muujineysa in Soomaaliya ay gashay bartamaha loollan cusub oo amni iyo siyaasadeed.
Walaaca ka muuqda warbaahinta Israel ayaa sidaas ku muujinaya in xiriirka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Turkiga uusan kaliya ka dhigneyn iskaashi laba dal ah, balse uu saameyn ku yeelanayo xisaabaadka istiraatiijiga ah ee Bariga Dhexe, Badda Cas iyo Geeska Afrika.