Muungaab oo weerar ku qaaday Farmaajo iyo kooxdiisa

Muxuu maamulka G/Banaadir ka yiri eedeynta 'qasabka' ee guddiga doorashooyinka?
June 28, 2026

LATEST NEWS

Muungaab oo weerar ku qaaday Farmaajo iyo kooxdiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday kooxda madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Muungaab ayaa si kulul ugu jawaabay kooxdan oo maalmahan eedeymo u jeedinayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna tusaale ugu soo qaatay dhacdooyinkii dhacay xilligoodii, gaar ahaan qaraxii weynaa ee Zoobe.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in xilligaas aanu jirin waxqabad, isla markaana dadka lagu mashquulin jiray sheekooyin mala awaal ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Shan boqol oo qof ayaa hal maalin Muqdisho dhaxdeeda lagu xasuuqi jiray markaas ayey masuuliyiintii waqtigaas maro gaduudan garbaha kusoo xirteen sida reer Galbeedka,” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Annaga waxaan rabnaa hormarka dowladdeenna dabaal lama saari karo warkaas sow ma cadda”.

Duqa Muqdisho ayaa hadal ka sheegay munaasabad ka dhacday Kaxd oo xariga looga jaray waddo iyo xarumo kale oo laga hirgeliyay degmadaas.

Si kastaba, inta badan madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka ayaa iska weerara warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama lagu jiro xilli kala guur ah oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay hannanaka doorashooyinka.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Kenya deports Somalia’s second deputy prime minister over alleged passport fraud

Go'aan sax ah mise khiyaano qaran?

Go’aan sax ah mise khiyaano qaran?

WardheerNews

A Rare Defense Apperance: Fiqi Shifts from Politics to the Front Lines

Dynamic Country URL Go to Country Info Page