Sidee nucaaradka uga falceliyeen kulamada uu Xasan la yeelanayo Beelaha Muqdisho?

Mucaaradka oo qaatay go'aan xasaasi ah oo ka dhan ah Xasan Sheekh
May 25, 2026

LATEST NEWS

Sidee nucaaradka uga falceliyeen kulamada uu Xasan la yeelanayo Beelaha Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa si adag uga falceliyay kulamada uu Madaxweyne Xasan Sheekh bilaabay inuu la yeesho beelaha Soomaaliyeed ee deggan magaalada Muqdisho, kadib markii uu labadii cisho lasoo dhaafay beelo kala duwan ku qaabilay xarunta madaxtooyada.

Warsame ayaa sheegay in Madaxweynuhu dareemay culeys siyaasadeed oo xoogan, isla markaana ujeedkiisa uu yahay inuu beelaha Muqdisho taageero uga raadiyo qorshihiisa ku aadan muddo kororsiga halka sano ee ay weli diidan yihiin Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

“Ninkii ku adkeysanayay inuu sharci darro ku sii joogi karo xukunka, isla markaana aanay jirin cid awood u leh inay ka hortagto, ayaa maanta bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo uu la yeelanayo beelaha Muqdisho, isaga oo taageero ugu raadinaya muddo-kororsiga halka sano ah ee sharcidarida ah, kana cabsanaya abaabulka mucaaradka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-

Madaxweynihii hore ee muddo xileedkiisa dhammaaday wuxuu isku dayayaa inuu isu muujiyo nin adag, awood leh, isla markaana si buuxda gacanta ugu haya xaaladda siyaasadeed ee dalka. Hase yeeshee, waxaa cad in uu wajahaya qalqal siyaasadeed, kalsooni darro, iyo jahawareer maamul.

Ninkii ku adkeysanayay inuu sharci darro ku sii joogi karo xukunka, isla markaana aanay jirin cid awood u leh inay ka hortagto, ayaa maanta bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo uu la yeelanayo beelaha Muqdisho, isaga oo taageero ugu raadinaya muddo-kororsiga halka sano ah ee sharcidarida ah, kana cabsanaya abaabulka mucaaradka.

Xitaa saaxiibbadii ugu dhawaa ee markii hore muujinayay taageero siyaasadeed ayaa hadda si isa soo taraysa ula xiriiraya mucaaradka iyo dhinacyada kale ee Soomaaliyeed, kadib markii ay ogaadeen in Xasan Sheekh aanu awood u lahayn meelmarinta qorshihii uu u sheegay iyo maareynta kala-guurka siyaasadeed. Wacay haatan ka dalbanayaan in uu keeno doorasho heshiis lagu yahay oo lagu wada qanacsan yahay.

Dhibaatadu hadda kuma koobna oo keliya mucaaradka siyaasadeed, balse waxay gaartay gudaha dowladda iyo hay’adaha amniga.

Gudaha ciidamada waxaa sii kordhaya niyad-jab la xiriira musuqmaasuq, eex, qaraabo-kiil, dallacaado ku saleysan xigto iyo xiriir gaar ah, iyo cadaalad darro muddo soo jiitamaysay. Saraakiil iyo askar badan ayaa muujinaya kalsooni darro ay ka qabaan Xasan Sheekh, halka isaga laftiisuna uu sii luminayo kalsoonidii uu ku qabay saraakiisha iyo ciidamada aan ka tirsanayn xigtada iyo xulafadiisa dhow. Waxaa sidaas ku abuurmay xaalad xasaasi ah oo khatar badan: ciidamada oo aan si buuxda ugu qanacsanayn Xasan Sheekh, iyo isaga oo aan si buuxda ugu kalsooneyn ciidanka. Tani waa calaamad muujinaysa talis galay xiisad gudihiisa ah, xilkiina ka dhamaaday.

Koonfur Galbeed, isku dayga lagu maamulayo doorashooyin natiijooyinkooda horay loo sii qorsheeyay ayaa kiciyey xiisadda siyaasadeed iyo kalsooni darrada shacabka. Galmudug-na, Xasan Sheekh wuxuu lugaha la galay khilaaf siyaasadeed oo saameeyay xitaa qaar kamid ah saaxiibbadiisii ugu dhawaa ee uu muddada dheer ku tiirsanaa.

Xaqiiqadu waxay tahay: markasta oo Xasan Sheekh isku dayo inuu isu muujiyo nin awood leh, waxaa soo baxaysa tabaryarada dhabta ah ee taliskiisa.

Hoggaan isku kalsoon kama baqo shacabkiisa, kama cabsado baraaruga dhalinyaradiisa, kumana tiirsanaado shisheeye, handadaad, iyo awood ciidan si uu xukunka ugu sii joogo. Cabsi weyn ayaa maanta ka jirta gudaha nidaamka, gaar ahaan tan uu ka qabo baraaruga sii kordhaya ee dhalinyarada Soomaaliyeed.

Muddo dheer dhalinyarada tixgelin ma lahayn, keliya waxaa la qancinayey horwaynta (elite) oo keli ah. Qabiil ayaa lagu kala qaybin jiray, dano gurracan ayaa loo adeegsan jiray, waana la yaraysan jjray. Hase yeeshee maanta waxaa muuqata walaac xooggan oo laga qabo in dhalinyaradu fahmeen awooddooda siyaasadeed iyo kaalintooda mustaqbalka dalka. Cabsi la’aanta, iyo xawaarada abaabulkooda ay isbedelka ku doonayaan ayaa qalqal iyo cabsi ku abuuray taliska sharci darida ah ee Xasan Sheekh Marka shacabka, gaar ahaan dhalinyarada ay bilaabaan inay si furan u su’aalaan sharciyadda, musuqmaasuqa, ku takri-falka awoodda, iyo eexda, xukun ku dhisan cabsi ma sii jiri karo muddo dheer.

Xasan Sheekh wuxuu cabburin karaa mudaharaadyo muddo kooban, wuxuu cabsi gelin karaa dhalinyarada, wuu xirxiri karaa, wuxuu adeegsan karaa awood ciidan, laakiin ma xakameyn karo bulsho dhan oo kalsoonidii kala noqotay.

Taas ayaana maanta ah caqabadda ugu weyn ee Xasan Sheekh wajahayo: ma aha oo keliya mucaarad siyaasadeed, balse waa sharciyad la’aan siyaasadeed oo uu isku dayayo inuu ku qariyo sawir awood muujin been ah.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Maxkamadda sare oo go'aan ka gaartay natiijada doorashada Koonfur Galbeed

Maxkamadda sare oo go’aan ka gaartay natiijada doorashada Koonfur Galbeed

Inside an African lab that helped crack the hantavirus outbreak

Inside an African lab that helped crack the hantavirus outbreak

WardheerNews

From Federalism to Fragmentation: Somalia’s Leadership Crisis Deepens

Dynamic Country URL Go to Country Info Page