Xogta ragga Soomaalida ah ee isku xiray Al-Shabaab iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen

Xogta ragga Soomaalida ah ee isku xiray Al-Shabaab iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen
September 6, 2026

LATEST NEWS

Xogta ragga Soomaalida ah ee isku xiray Al-Shabaab iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba nin oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay door muhiim ah ka qaateen xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen, iyaga oo fududeeyay helitaanka hub, tababbar militari iyo xiriir toos ah oo labada dhinac ah.

Jibriil Yaxye Cali, oo loo yaqaanay Gacaamey, ayaa Yemen uga shaqeynayay sidii xiriiriyaha Al-Shabaab ee Xuutiyiinta, halka Sheekh Axmed Cilmi Samatar uu markii dambe noqday wakiil sare oo ku lug lahaa codsiyada hubka iyo qabanqaabada tababbarro militari.

Faahfaahinta doorka labada nin ayaa lagu soo bandhigay baaritaanno kala duwan oo ay sameeyeen wargeyska Wall Street Journal iyo hay’adda cilmi-baarista Century International, kuwaas oo bixiyay sawir faahfaahsan oo ku saabsan sida xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta uu sannadihii dambe u kobcayay.

Saraakiil Mareykan iyo Soomaali ah ayaa sidoo kale sheegay in wada-shaqeynta labada koox ay gaartay hub, teknoolojiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo tababbarro militari.

Jibriil Gacaamey iyo xiriirka Yemen

Jibriil ayaa muddo sanado ah isaga kala gooshi jiray Soomaaliya iyo Yemen, waxaana uu jiray 38 sano markii bishii Febraayo lagu dilay bariga Yemen.

Sida uu qoray Wall Street Journal, Jibriil wuxuu Yemen ku bartay cilmiga caafimaadka xoolaha, ka hor inta uusan Muqdisho ka maamulin hay’ad samafal, xarun sarif iyo shirkad soo dejin iyo dhoofin ah.

Dhaawacyo rasaaseed oo hore uga soo gaaray ayaa reebay nabarro sababay in loo bixiyo naaneyska Gacaamey, inkastoo uu labada gacmoodba qabay.

Jibriil ayaa la sheegay in uu si qarsoodi ah ugu kala safri jiray Soomaaliya iyo Yemen, isla markaana ugu yaraan tan iyo 2023 uu ahaa xiriiriyaha Al-Shabaab ee saraakiisha Xuutiyiinta.

Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiintu Jibriil siiyeen guri qalabeysan oo ku yaalla Sanca, isla markaana uu ka qeyb geli jiray munaasabado rasmi ah oo ay kooxdu qabanqaabiso.

Dokumenti kale oo wargeysku arkay ayaa muujiyay in maamulka Xuutiyiinta uu Jibriil siiyay baasaboorka Yemen oo lagu qoray magac aan kiisii saxda ahaa ahayn.

Doorkiisa kuma koobneyn oo keliya xiriirinta labada dhinac.

Wall Street Journal wuxuu sheegay in nin ka ganacsada hubka uu Jibriil baray alaab-qeybiyeyaasha hubka ee Xuutiyiinta, kadibna uu kaalin ka qaatay soo iibinta hub militari oo loo waday Al-Shabaab iyo diyaarinta sidii Soomaaliya loogu soo gudbin lahaa.

Qiimeyn sirdoon oo Yemen laga sameeyay, islamarkaana uu arkay wargeysku, ayaa Jibriil ku tilmaantay shaqsi muhiim u ahaa xoojinta xiriirka labada koox, gaar ahaan dhinacyada hubka iyo isdhaafsiga khibradaha militari.

Shirkado loo sameeyay inay dabool u noqdaan hawlgalladaas ayaa lagu eedeeyay inay hubka u ekaysiin jireen badeecooyin rayid ah, ka hor inta aan laga dhoofin Mukalla iyo dekedo kale oo Yemen ku yaalla.

Doomaha kalluumeysiga iyo kuwa dheereeya ayaa kadib hubka ka gudbin jiray Gacanka Cadmeed, iyaga oo geynayay qaybo ka mid ah xeebaha waqooyiga Soomaaliya oo aan si weyn loo ilaalin.

Shabakado kale ayaa hubka halkaas uga sii gudbin jiray koonfurta, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo dagaal oo Al-Shabaab ah.

Samatar iyo codsiyada hub casri ah

Sannadkii 2024, Al-Shabaab ayaa ballaarisay xiriirkeeda Yemen, waxaana ay halkaas u dirtay Sheekh Axmed Cilmi Samatar, sida uu sheegay Wall Street Journal.

Wargeysku wuxuu Samatar ku tilmaamay wakiil ka sareeyay Jibriil, kaas oo la shaqeynayay, isla markaana saraakiisha Xuutiyiinta u gudbiyay liis faahfaahsan oo hub ah oo Al-Shabaab ay dooneysay.

Liiska waxaa ku jiray gantaallada lidka diyaaradaha ee garabka laga rido, gantaallada Katyusha ee 107mm, qoryaha shiishka ee Dragunov, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada qaada, gantaallada lidka taangiyada iyo qalabka aragga habeenkii ee Mareykanka lagu sameeyo.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka militariga Mareykanka ayaa Wall Street Journal u sheegay in Al-Shabaab ay Xuutiyiinta ka dalbatay hub casri ah, oo ka dheeraa qoryaha fudud, kuwa daran-dooriga u dhaca iyo rasaasta.

Century International ayaa iyaduna Samatar ku tilmaantay shaqsi muhiim ka ahaa xiriirka joogtada noqday ee Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta.

Warbixinta Century ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Yemen ay Samatar ku qabteen magaalada dekedda ah ee Mukalla.

Sida ku xusan qoraallo laga diyaariyay su’aalo la weydiiyay oo ay heleen cilmi-baarayaasha Century, Samatar wuxuu qirtay inuu ahaa xiriiriyaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta.

Century ayaa sidoo kale sheegtay in laba cinwaan oo email ah oo lala xiriiriyay Samatar ay ku xirnaayeen akoonno laga sameeyay suuqyada internetka ee Shiinaha ee AliExpress iyo DHGate, kuwaas oo lagu iibiyo qalab elektaroonig ah iyo badeecooyin kale oo loo adeegsan karo ujeeddooyin rayid iyo kuwo militari.

Saraakiil sirdoon oo reer galbeed iyo kuwo gobolka ah oo ay hay’addu wareysatay ayaa aaminsanaa in xiriirka Samatar iyo Xuutiyiinta markii hore uu ka bilowday ganacsiga hubka, balse markii dambe isu beddelay xiriir ballaaran.

Tababbarayaal yimid Soomaaliya

Baaritaanka Century ayaa sidoo kale Samatar la xiriiriyay dhaqdhaqaaq ay tababbarayaal isaga kala gudbayeen Yemen iyo Soomaaliya.

Xog laga helay wareysiyo iyo diiwaanno safar ayaa muujisay inuu bishii June 2024 joogay deegaanno ay Al-Shabaab maamusho, oo ay ku jirto Jilib.

Warbixinta ayaa sheegtay in Samatar uu isku dubbariday safarka rag Yemeniyiin ah oo loogu yeeray “marti”, kuwaas oo xubnaha Al-Shabaab tababbarro gaar ah ka siiyay farsameynta qaraxyada, wax ka beddelka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo dayactirka hubka.

Waxaa raggaas ka mid ahaa laba injineer oo militari oo ka tirsanaa Xuutiyiinta, kuwaas oo tegay dooxada Jubba, sida ay sheegtay Century.

Samatar ayaa la sheegay inuu diyaariyay gaadiidkooda, la kulmay saraakiil Al-Shabaab ah, isla markaana maamulay arrimaha saadka iyo maamulka intii ay joogeen Soomaaliya.

Qoraallada wareysiyada ee ay Century soo xigatay ayaa sidoo kale xusay kulamo looga hadlay “dhameystirka dukumentiga hubka” iyo “xulashada ragga tababbarka loo dirayo”.

Samatar wuxuu sheegay inuu fududeeyay safarka ilaa 400 Soomaali ah oo loo qaaday deegaannada Yemen ee ay Xuutiyiintu maamulaan, halkaas oo lagu siinayay tababbar militari iyo mid fikradeed.

Century ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin dhammaan faahfaahinta sheegashadaas.

Si kastaba, xogta ay soo bandhigtay ayaa sii xoojisay warbixinno hore oo sheegayay in la sameeyay marin joogto ah oo loogu kala gudbiyo dagaalyahanno iyo tababbarayaal Soomaaliya iyo Yemen.

Xarig, sii-deyn iyo dib u laabasho

Wall Street Journal iyo Century ayaa bixiyay waqtiyo kala duwan oo ku saabsan goorta Samatar la xiray.

Century waxay sheegtay in ciidamada Yemen ay Mukalla ku xireen bishii September 2024, halka Wall Street Journal, oo soo xiganayay xog sirdoon, uu sheegay in la qabtay January 2025.

Labada warbixin waxay isku raaceen in markii dambe lagu sii daayay is-weydaarsi maxaabiis oo ay sameeyeen Xuutiyiinta.

Century waxay sheegtay in Samatar xabsiga ka baxay November 2025, kadibna uu soo maray Hargeysa ka hor inta uusan ugu dambeyn dib ugu laaban Jilib, iyadoo soo xiganeysa saraakiil sirdoon oo Soomaali ah iyo xog laga helay goobihii uu telefoonkiisu ku sugnaa.

Wall Street Journal ayaa isna sheegay in Samatar uu ku soo laabtay Soomaaliya, halka Jibriil uu sii waday inuu Yemen ka matalo danaha Al-Shabaab.

Jibriil ayaa sii waday inuu ku lug yeesho shixnadaha hubka, waxaana markii dambe ku biiray laba khabiir oo hubka ku takhasusay oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa Jibriil la dilay 12-kii February, xilli uu ku safrayay meel u dhow magaalada Al-Ghaydah ee bariga Yemen.

Laba ilo-wareed oo Mareykan ah oo xog ogaal u ahaa howlgalka ayaa Wall Street Journal u sheegay in weerar Mareykan ah lagu dilay.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, CENTCOM, wuxuu sheegay inuusan howlgalkaas fulin militariga Mareykanka, halka CIA-du ay diiday inay sheegto inay ku lug lahayd iyo in kale.

Dilka Jibriil kama uusan dhignaan dhammaadka xiriirka labada koox.

Wall Street Journal ayaa sheegay in Al-Shabaab ay Yemen u magacowday wakiil cusub oo beddelay Jibriil, balse lama shaacin magaciisa.

Warbixino kale oo soo baxay kadib ayaa muujiyay in wada-hadallada hubka, tababbarada iyo xiriirka tooska ah ee Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ay sii socdaan.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Leadership Ethics and Institutional Integrity: Two Inseparable Foundations

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Dynamic Country URL Go to Country Info Page