Muqdisho (Caasimad Onlie) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegto soo saaray ayaa maanta magacaabay La-taliyaha sare siyaasadda iyo isku-duwaha barnaamijyada la xiriira ee xafiiskiisa, xilkaaas oo horay looga qaaday Naasir Cigge oo dhawaan hadal-heyn ka dhaliyay baraha bulshada, kadib muuqaalo uu lasoo duubay gabdho caan ka ah barta TikTok.
Madaxweynaha ayaa xilkan u magacaabay Yaxya Ibraahim Macalin oo noqonaya la-taliyaha sare siyaasadda iyo isku-duwaha barnaamijyada la xiriira ee xafiiska Madaxweynaha.
Yahya Ibraahim oo ahaa bare jaamacadeed ee waddanka UK, ayaa aqoon iyo khibrad wanaagsan u leh arrimaha siyaasadda, dowlad dhiska, cilmi baarista, xiriirka Caalamiga, horumarinta dhaqaalaha, aqoonta iyo diyaarinta jiilka cusub ee hoggaamiyeyaasha.
Sidoo kale, waxa uu muddo ka soo shaqeynaayey xalinta khilaafaadyada colaadaha, isaga oo shahaadooyinka sare ee Master iyo PhD ka diyaariyey Jamacadaha Northampton iyo Birmingham ee dalka Ingiriiska.
Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Dr Yaxya ka rajeynayo in uu door muuqdo ka qaato daadejinta siyaasadaha iyo horumarinta istaraatiijiyadda Qaranka ee xafiiska Madaxweynaha
Waxaa kale oo uu hubinayaa in go’aannada muhiimka ah ay ku saleysan yihiin caddayn, cilmi-baaris iyo la falgelidda duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya, si loo xoojiyo isku-duwidda, nidaamka iyo midnimada ujeeddoyinka Xafiiska Madaxweynaha.
Naasir Cige oo xilkan horay u hayay ayaa laga cariyay Villa Somalia, waxaana sidoo kale dowladdu ay soo saartay go’aan culus oo ka dhan ah ninkaasi dhalinyarada ah, sida lagu sheegay qoraal dhawaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
WARGELIN; Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu cid kasta oo ay khuseyso ku wargalinayaa in shakhsiga magaciisa yahay Naasir Cigge (Nasir Ige ) oo sawirkiisa halkan ka muuqdo uusan wax xil ah ka haynin, kana shaqayn xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo hey’ad kale oo dowladeed”. ayaa lagu yiri qoraalka.