Xasan oo abaalmarinno siiyay wasaaradaha ugu waxqabadka badan + Sawirro

Xasan oo abaalmarinno siiyay wasaaradaha ugu waxqabadka badan + Sawirro
September 13, 2026

LATEST NEWS

Xasan oo abaalmarinno siiyay wasaaradaha ugu waxqabadka badan + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha  Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka qayb-galay bandhigga xiritaanka la-xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaradaha Xukuumadda, kaas oo lagu soo bandhigay natiijooyinka waxqabadka iyo heerka ay ka gaareen fulinta qorsheyaashii loo dejiyay, gaarista bartilmaameedyadii loo asteeyay iyo gudashada waajibaadkooda sannadka 2026.

Inta uu socday kulankan ayaa waxaa la sameeyay qiimeynta waxqabadka wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la eegayo heerka ay ka gaareen milestones-ka, hawlaha loo qorsheeyay iyo shaqooyinka qabsoomay.

Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay shanta wasaaradood ee ugu horeeya, kuwaas oo kala ah:- 1. Wasaaradda Maaliyadda 2. Wasaaradda Arrimaha Dibadda 3. Wasaaradda Qorshaynta 4. Wasaaradda Hawlaha Guud 5. Wasaaradda Waxbarashada.

Intaas kadib Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii ay socotay munaasabadda xiritaanka bandhigga xukuumadda Dan-Qaran, wuxuu billado guddoonsiiyay wasaaradaha maaliyadda iyo arrimaha dibadda, kuwaasi oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeyntii la sameeyay sanadkan.

Sidoo kale, wuxuu xafiiska ra’iisul wasaaraha ku abaalmariyay hirgelinta hannaanka danabaysan ee la socodka waxqabadka wasaaradaha oo markii ugu horreysay shaashad weyn laga shiday boqoleyda natiijada kasoo baxday qiimeynta wasaarad kasta, iyo waliba sida wasaaradaha kaalmaha u kala galeen.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay xukuumadda dadaalka ay ku bixisay hirgelinta qorsheyaasha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay la-xisaabtanka hay’adaha iyo howl-wadeennada dowladda, hufnaanta shaqada iyo in si joogto ah loo qiimeeyo natiijooyinka waxqabadka.

Waxaa kale oo uu ku booriyay wasiirrada iyo hay’adaha dowladda in natiijooyinka la gaaray ay noqdaan saldhigga lagu sii xoojinayo waxqabadka, laguna saxayo gaabisyada u baahan dardar galinta, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha dowladda ay si muuqata uga tarjumaan baahiyaha iyo danta shacabka Soomaaliyeed.

La xisaabtankan ayaa looga gol leeyahay in lagu qiimeeyo shaqadii qabsoontay sanadkan, iyada oo lala eegayo ballan-qaadyadii wasiir kasta uu saxiixay, isaga oo xusey in haddii ay soo baxaan caqabado shaqooyinka qaar u qabsoomi waayeen la sixi doono hadafyada iyo bar-hiigsiyada ku qoran jadwalka heshiisyada wasiiradda lala galay.

 

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Leadership Ethics and Institutional Integrity: Two Inseparable Foundations

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Dynamic Country URL Go to Country Info Page