London (Caasimada Online) – Nin 32-jir ah oo u dhashay Britain ayaa ah eedeysanaha kaliya ee lagu tuhunsan yahay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay tareen dalka England, kaddib markii nin kale oo kiiskan loo soo xiray Axaddii la sii daayay iyadoo wax dacwad ah lagu soo oogin.
Booliska Britain waxay sheegeen in weerarka mindida ee 11-ka qof isbitaalka dhigay uusan ahayn fal argagixiso. Nin 35 jir ah oo hore loo soo xiray ayaa la sii daayay kaddib markii ay saraakiishu xaqiijiyeen in uusan ku lug lahayn weerarka.
Ilaa fiidnimadii Axadda, shan ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa laga saaray isbitaalka. Dadka weli la dabiibayo waxaa ka mid ah xubin ka tirsan shaqaalaha tareenka oo isku dayay inuu joojiyo weerarka, kaasoo xaaladdiisu ay halis tahay, sida uu boolisku sheegay.
“Baarayaasha waxay dib u eegeen kaamirada CCTV-ga ee tareenka, waxaana iska cad in falkiisu uu ahaa mid geesinimo leh oo shaki la’aan badbaadiyay nolosha dad badan,” ayuu yiri boolisku.
Maxaa dhacay weerarka kahor?
Booliska la-dagaallanka argagixisada ayaa ka gacan geystay baaritaanka hordhaca ah kaddib weerarka ballaaran ee mindida loo adeegsaday ee Sabtidii lagu qaaday rakaab saarnaa tareen ku sugnaa bariga England, balse booliska ayaa markii dambe sheegay in aysan jirin wax muujinaya in dhacdadu ay ahayd argagixisanimo.
Shaqo ayaa hadda socota oo lagu xaqiijinayo dhacdooyinkii ka horreeyay weerarka iyo taariikhda eedeysanaha, sida uu sheegay boolisku. Mindi ayaa sidoo kale laga helay goobta uu falku ka dhacay.
“Baaritaankeennu si xowli ah ayuu ku socdaa, waxaana ku kalsoonnahay inaanan raadinayn qof kale oo dhacdadan ku lug leh,” ayuu ku-xigeenka Taliyaha Booliska Stuart Cundy ku sheegay war-saxaafadeed.
Booliska ayaa ku sifeeyay eedeysanaha kaliya inuu yahay muwaadin madow ah oo Britain u dhashay, kana soo jeeda Peterborough, oo 100 mayl (160 km) waqooyi ka xigta London, kaasoo halkaas ka soo raacay tareenka.
Boolis hubeysan oo fuulay tareenka
Eedeysanaha waxaa xiray boolis hubeysan kaddib markii uu tareenku si degdeg ah ugu istaagay Huntingdon oo qiyaastii 80 mayl waqooyi ka xigta London.
Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa ku tilmaamay “dhacdo aad u xun” taasoo ah “mid walaac weyn leh”, halka Boqor Charles uu sheegay inuu “runtii ka naxay kana argagaxay”.
Dambiyada mindiyaha ee England iyo Wales ayaa kordhay 87% tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo 54,587 dambi la diiwaan geliyay sannadkii hore oo keliya, taasoo ah koror 2% ah marka loo eego 2023 waana mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya Yurub, sida ay muujinayaan tirakoobyada wasaaradda arrimaha gudaha Britain.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Shabana Mahmood ayaa sheegtay inay “aad uga murugootay”, iyadoo dadka ka codsatay inay iska ilaaliyaan mala-awaalka ku saabsan dhacdada.
Dowladda ayaa dooneysa inay joojiso wararka xanta ah ee ku faafaya baraha bulshada kaddib dhacdo ka dhacday Southport oo ku taal waqooyi-galbeed England sannadkii 2024, markaasoo sheegashooyin internet-ka la soo dhigay oo ku saabsanaa dilka saddex gabdhood oo yaryar ay kiciyeen rabshado maalmo ka socday dalka oo dhan.
Goobjooge Olly Foster ayaa u sheegay BBC-da inuu saarnaa tareenka oo ku sii jeeday London fiidnimadii Sabtida markii uu qof soo ag maray isagoo leh nin ayaa mindiyeynaya “qof walba, wax walba”.
“Gacantayda ayaan saaray kursigan… dabadeed waxaan eegay gacantayda, mise waa dhiig miiran. Markaas ayaan eegay kursigii, mise dhiig ayaa wada gaaray. Dabadeed hore ayaan u eegay, mise kuraasta oo dhan dhiig baa wada yaal,” ayuu yiri.
Goobjooge kale ayaa u sheegay Sky News in la arkay eedeysane lulaya mindi weyn ka hor inta aysan boolisku ku qabanin qalabka korontada ee (Taser).