Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay qorshaha maamulka Somaliland uu ku doonayo inuu safaarad uga furto magaalada Qudus, oo ay Falastiiniyiintu u aqoonsan yihiin caasimaddooda rasmiga ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay ururka ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana ka hor imaaneysa shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee quseeya xaaladda magaalada Qudus.
Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sidoo kale sheegay in qorshahan uu dhaawacayo dadaallada lagu taageerayo xuquuqda shacabka Falastiin, kuwaas oo muddo dheer halgan kula jiray dowladda Israa’iil.
“Go’aanka uu maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ku doonayo inuu safaarad uga furto Qudus wuxuu xoojinayaa sheegashada Israa’iil ee dhulka Falastiin. Marna ma aqbali doonno tallaabo kasta oo ka hor imaaneysa midnimada iyo madaxbannaanida Falastiin,” ayaa lagu yiri bayaanka OIC.
Sidoo kale, ururka ayaa caddeeyay inuusan aqoonsan doonin wax tallaabo ah oo la xiriirta qorshahaas, isagoo xusay in arrimaha noocan oo kale ah ay si toos ah uga hor imanayaan mowqifka mideysan ee dunida Islaamka ee ku aaddan Falastiin iyo magaalada barakeysan ee Quddus.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in Ururka Iskaashiga Islaamka uu garab taagan yahay midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu kasoo horjeedo tallaabo kasta oo la xiriirta gooni isu-taag ama wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya.
Hadalkan kasoo baxay OIC ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in Somaliland ay qorsheyneyso inay xiriir diblomaasiyadeed oo dhow la yeelato Israa’iil, arrintaas oo dhalisay falcelin xooggan oo ka timid dalal iyo ururro Islaami ah.
Si kastaba, Israa’iil ayaa haatan qorsheyneyso in dhankeeda ay safaarad ka furato magaalada caasimada ah ee Hargeysa, sida uu shaaciyay Maxamed Xaaji, oo ah safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israa’iil.
Waxaa kale oo uu tallaabadaas ku tilmaamay calaamad muujineysa “saaxiibtinimo sii xoogeysaneysa, ixtiraam wadajir ah iyo iskaashi istaraatiiji ah” oo dhexmaraya labada dhinac.
Go’aanka ayaa yimid bilo kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan. Tallaabadaas ayaa Israel ka dhigtay dalkii ugu horreeyey ee caalamka ka tirsan ee aqoonsi rasmi ah siiya Somaliland, oo tan iyo 1991 raadineysay aqoonsi caalami ah.