Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa Khamiistii xilka ka qaaday Jeneraal Randy George, oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada lugta ee Mareykanka, tallaabadaas oo saraakiil milatari ay sheegeen inay muujinayso khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Hegseth iyo hoggaanka ciidanka.
Jeneraal George, oo xilkan loo magacaabay sanadkii 2023-kii, ayaa lagu ammaanay inuu ciidamada dhulka ka saaray mid ka mid ah dhibaatooyinkii ugu xumaa ee taariikhda soo wajaha dhanka qorista askarta cusub sanadkii 2024. Sidoo kale, wuxuu dhowaanahan waday qorshe uu ciidanka ugu dar-dargelinayo iibsashada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee jaban (drones) iyo hubka kale ee casriga ah ee haatan qaabeeyay dagaalka dalka Ukraine.
Saraakiisha ayaa xusay in xiisadda kala dhexeysa Hegseth aysan salka ku hayn khilaaf dhab ah oo la xiriira jihada ciidanka, balse ay ka dhalatay tabashooyin shaqsi ah oo muddo dheer soo jiitamayay oo Hegseth uu ka qabay ciidanka, is-qabqabsi dhanka shaqsiyaadka ah, iyo xiriirka xun ee kala dhexeeya Xoghayaha Ciidamada Dhulka, Daniel P. Driscoll.
Sanadkii la soo dhaafay, General George iyo Driscoll ayaa yeeshay xiriir wada-shaqayneed oo aad u adag.
Xudunta khilaafka
Bilihii la soo dhaafay, Hegseth ayaa sidoo kale ay isku dhaceen Jeneraal George iyo Driscoll, kadib markii Xoghayaha Difaaca uu go’aansaday inuu hor istaago dalacsiinta afar sarkaal oo loo waday darajada Jeneraal min hal xiddigle ah.
Afartan sarkaal oo uu bartilmaameedsaday Hegseth ayaa laba ka mid ah ay yihiin Madow, halka labada kalena ay yihiin dumar, kuwaas oo ku jiray liis dalacsiin oo ka koobnaa 29 sarkaal oo kale, oo u badan rag caddaan ah.
Go’aankan naadirka ah ee Hegseth uu liiska uga saaray saraakiishan ayaa dhaliyay in saraakiil sare ay is-weydiiyaan in xubnahan lagu beegsaday jinsigooda ama midabkooda awgiis. Driscoll iyo George ayaa ganafka ku dhuftay dalabkii Hegseth ee ahaa in saraakiishaas laga saaro liiska dalacsiinta, iyagoo u daliishaday diiwaankooda shaqo ee tusaalaha mudan iyo waayo-aragnimadooda.
Laba asbuuc ka hor, Gen. George ayaa codsaday inuu la kulmo Hegseth si ay uga wada hadlaan saarista afarta sarkaal ee liiska, iyo aragtida Jeneraalka ee ah in Hegseth uu faragelin aan loo baahnayn ku hayo go’aamada shaqaalaha ciidanka guud ahaan. Balse Hegseth ayaa diiday inuu kala kulmo arrintaas.
Todobaadkii hore, Laura Loomer oo ah shaqsi caan ku ah faafinta afkaaraha shirqoolka (conspiracy theorist) ee garabka midigta-fog, aadna ugu dhow Hegseth iyo Madaxweyne Trump, ayaa baraha bulshada soo dhigtay in xoghayaha difaaca uu “si dhab ah uga fakarayo” xil ka qaadista Gen. George.
Loomer ayaa sidoo kale dhowr jeer weerartay Driscoll. Jeneraal George ayaa dhanka kale xiriir dhow la lahaa Lloyd J. Austin III, xoghayihii difaaca ee xilka uga horreeyay Hegseth oo ahaa Jeneraal afar xiddigle ah.
Xil ka qaadista Gen. George sokow, Hegseth wuxuu sidoo kale shaqada ka eryay saraakiil kale oo sare, kuwaas oo ay kamid yihiin:
Gen. David M. Hodne: Oo bishii Oktoobar loo dalacsiiyay inuu hoggaamiyo Taliska Isbeddelka iyo Tababarka Ciidamada, oo ah xil muhiim ah oo afar xiddigle ah, diiraddana saara casriyeynta ciidanka.
Maj. Gen. William Green Jr.: Oo ah madaxa wadaaddada diinta ee ciidamada dhulka (Army’s top chaplain).
Waxaa la filayaa in Jeneraal George lagu beddelo Gen. Christopher LaNeve, oo hore u ahaa kaaliyaha sare ee milateriga u qaabilsan Hegseth ee Pentagon-ka.
Jeneraal George ayaa xil ka qaadistiisa ku ogaaday khadka taleefanka Khamiistii abaaro 4-tii galabnimo markii uu soo wacay Hegseth.
Saraakiisha sare ee ciidanka ayaa si caro iyo jahwareer leh uga falceliyay go’aankan, iyagoo ku tilmaamay dharbaaxadii ugu dambeysay ee ku dhacda ciidan dareemaya inuu go’doomin kala kulmayo Hegseth.
Sooyaalka Jeneraal George
Jeneraal George ayaa dhowr jeer kasoo shaqeeyay dagaalladii Ciraaq iyo Afghanistan, isagoo magac ku yeeshay inuu yahay hoggaamiye hal-abuur leh.
Afghanistan, wuxuu ciidamada ka saaray goobo fog-fog oo ay ka wadeen dagaallo dhiig badan ku daatay oo aan macno lahayn, isagoo xoogga saaray ilaalinta xarumaha shacabku ku badan yahay, wuxuuna sidoo kale beegsaday saraakiisha dowladda Afghanistan ee musuq-maasuqa ku kacayay ee shacabka dhibaataynayay.
Intii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka, wuxuu bilaabay barnaamij loo yaqaan “isbeddelka furimaha” kaas oo kumannaan askari lagu riixay inay tijaabiyaan diyaaradaha drones-ka ee casriga ah, taatikooyin cusub, iyo nidaamyo lagu hago sirdoonka macmalka ah (AI).
Si uu u maalgeliyo isbedeladan, Gen. George wuxuu meesha ka saaray hub uusan u arkin inuu ka badbaadi karo goobaha dagaalka casriga ah, wuxuuna joojiyay taankiga fudud ee M-10 Booker oo in ka badan $1 Bilyan la geliyay, kadib markii la ogaaday in si fudud ay u burburin karto Drone qiimaheedu yahay $500.
Bedelkeeda wuxuu maalgeliyay gaadiidka fudud ee ISV ee xambaara ciidanka, isagoo sidoo kale dedejiyay horumarinta taankiga casriga ah ee M1E3 Abrams kaas oo loogu talagalay inuu noqdo mid ka xawaare badan kana fudud kuwii ka horreeyay.