Soomaali ay qabatay Ukraine isaga oo u dagaalamaya Ruushka oo xog yaab leh bixiyey

Soomaali ay qabatay Ukraine isaga oo u dagaalamaya Ruushka oo xog yaab leh bixiyey
September 13, 2026

LATEST NEWS

Soomaali ay qabatay Ukraine isaga oo u dagaalamaya Ruushka oo xog yaab leh bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) — Nin Soomaali ah oo maxbuus dagaal ku ah Ukraine ayaa sheegay inuu ku biiray ciidamada Ruushka isagoo raadinayay nolol iyo mustaqbal ka wanaagsan kii uu ku haystay Soomaaliya, balse ugu dambeyn la geeyay meel u dhow furinta dagaalka isagoo helay tababar ciidan oo aad u kooban.

Ninkan oo warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International loogu bixiyay magaca “Ahmed” ayaa sheegay in uusan hore u lahayn wax khibrad ciidan ah, isla markaana uusan si dhab ah u fahamsanayn xaaladda dagaalka Ukraine markii uu ku biirayay ciidamada Ruushka.

“Shaqo ma haysan, dakhli ma haysan, mustaqbalna ma aanan lahayn,” ayuu ka yiri xaaladdii uu Soomaaliya kaga sugnaa, isagoo intaas ku daray inuu “doonayay inuu baxo kharash kasta ha ku kacdee, meel kastaana uu tegi lahaa.”

Ahmed ayaa sheegay in qorshihiisu ahaa inuu helo dhalashada Ruushka kadibna dalkaas ku nagaado.

Hase yeeshee, markii uu ku biiray ciidamada Ruushka, wuxuu sheegay inuusan helin “wax tababar sax ah oo ciidan ah”, kahor inta aan loo dirin meel u dhow furinta dagaalka.

Wuxuu sheegay in mar uu isku arkay meel u dhow jiidda hore “isagoo xitaa aan hub wadan”.

Ahmed ayaa markii dambe gacanta u galay ciidamada Ukraine, waxaana Amnesty International ay kula kulantay xero lagu hayo maxaabiista dagaalka.

Xiriir la’aan qoys

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Ahmed uusan awoodin inuu waalidkiis u sheego inuu nool yahay.

Xerada uu ku jiro lagama oggola telefoonno ama muuqaallo toos ah, waxaana uu qoyska kula xiriiri karaa oo keliya waraaqo. Waalidkiis ayaase aan wax qorin ama akhrin karin, taasoo ka dhigtay xiriirkooda mid aad u adag.

Amnesty International ayaa sheegtay inay faahfaahinta qaar ee dadka ay wareysatay qarisay, mararka qaarkoodna ay magacyada beddeshay si loo ilaaliyo dadka nugul. Hay’addu si cad uma sheegin in “Ahmed” uu yahay magaca dhabta ah ee ninkan Soomaaliga ah.

Kiiskiisa wuxuu qeyb ka yahay baaritaan ballaaran oo ay Amnesty ku sameysay habka Ruushku u qorayo ajaanibta si ay uga qeyb qaataan dagaalka Ukraine.

Hay’addu waxay sheegtay inay wareysatay dad laga soo kala qortay Soomaaliya, Brazil, Colombia, Sierra Leone, South Africa iyo Sri Lanka, kuwaas oo qaar badan lagu soo jiitay ballanqaadyo shaqooyin rayid ah, mushahar sare ama waddo fudud oo lagu helo dhalashada Ruushka.

Warbixintu si gaar ah uma sheegin in Ahmed loo ballanqaaday shaqo rayid ah, balse waxay caddeyneysaa in dhaqaale xumida iyo rajadiisa helitaanka dhalashada Ruushka ay door weyn ku lahaayeen go’aankiisa.

‘Tahriibinta dadka’

Amnesty International ayaa sheegtay in baaritaankeeda uu muujiyay in qorista ajaanibta ay marar badan la socdeen khiyaano, cadaadis iyo ka faa’iideysi xaaladaha nugul ee dadka.

Hay’addu waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah kiisaska ay diiwaangelisay ay gaari karaan heer lagu tilmaami karo tahriibinta dadka, inkastoo aysan si gaar ah u sheegin in kiiska Ahmed kaligiis uu buuxiyay shuruudahaas.

Intii u dhaxeysay 2024 iyo 2026, Amnesty ayaa lix jeer booqatay laba xero oo maxaabiista dagaalka lagu hayo oo ku yaalla galbeedka Ukraine, halkaas oo ay ku wareysatay tobannaan maxbuus.

Waxay ka mid ahaayeen 15 ajaanib ah oo laga soo kala qabtay dalal ay Soomaaliya ku jirto.

Saddex keliya oo ka mid ah 15-kaas ayaa sheegay inay si buuxda u ogaayeen markii ay heshiiska saxiixayeen in loo diri doono goob dagaal, halka toddobo kale ay sheegeen in markii hore loo ballanqaaday shaqooyin rayid ah.

Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in illaa bishii April 2026 ay aqoonsadeen ugu yaraan 28,391 ajaanib ah oo ka kala yimid 136 dal, kuwaas oo ka qeyb qaatay dagaalka iyagoo ka tirsan ciidamada Ruushka.

Amnesty International ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin tiradaas.

Hay’addu waxay sidoo kale diiwaangelisay cabashooyin la xiriira tababar ciidan oo aad u yar, baasaboorrada oo laga qaato qaar ka mid ah askarta ajaanibta ah, xaddidaad dhaqdhaqaaq iyo hanjabaado loo jeediyo dadka doonaya inay ka baxaan adeegga milatari.

Amnesty ayaa ugu baaqday Ruushka inuu joojiyo hababka qoris ee ku dhisan khiyaanada, cadaadiska iyo ka faa’iideysiga dadka nugul, isla markaana lala xisaabtamo dadka ku lugta leh xadgudubyada.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Leadership Ethics and Institutional Integrity: Two Inseparable Foundations

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Dynamic Country URL Go to Country Info Page