WQ Maxamuud Cabdillahi Axmed
- Cagaha ayuu wax ka dayey [1]
- Cirkaan carrabka la gaadhi lahaa [2]
- Sankaa u daloola [3]
- Waa xaar mas [4]
- Waa diinkii dabka loo diray [5]
- Waraabe adhi lagu darsaday [6]
- Suxuladaan subag darsanay [7]
- Candhuuftaada dib u liq [8]
Hordhac – eraybixin
Odhaahyada kor ku qoran maxaa lagu tilmaami karaa? Ma lagu magacaabi karaa shareerayaal? Muxuu se yahay shareere? Madaama af Soomaaligu yahay af dhowaan rasmi ahaan loo qoray, suurtagal ma aha in dhammaan laamaha kala duwan ee hadalka iyo suugaanta loo helo eray-bixin la isku wada raacsan yahay. Ogaalkay ma garanayo eray-bixin Soomaali ah oo u dhiganta waxa af-Ingiriisida loogu yaqaan idiom.
Qoraalkan gudihIisa waxa loo qaatay, si meel ku gaadh ah, in loogu yeedho shareere. Waan soo dhoweynayaa, haddii loo hayo eray-bixin kale oo u dhiganta.
Shareere (idiom)
Shareerahu waa hadal tibaaxeed (phrase expression) aan toos ahayn sida humaagga sarbeebta oo kale (metaphor). Sarbeebtu waa weedh/tibaax isbarbar-dhigta labo shay ama ka badan, waxna ka dhaxaysiisa. Tusaale ahaan “Cali waa libaax” waa isbarbardhig. Waxaana loo jeedaa in Cali libaaxa la wadaago “geesinimada”; waana macne maaanku suurayn karo. Laakiin, Cali libaax maaha ee waa qof!
Inkastoo shareerahu aanu sarbeeb ahayn, haddana qaarkood way noqon karaan; laakiin qeexid ahaan waa tibaax leh erayo mucayin ah oo macnaheeda dadban ee loo jeedaa ka xidhiidh furmay macnaha tooska ah ee erayada weedhu xambaarsan yihiin; yeeshayna macne gaar ah oo dadka luqaddaas ku hadlaa isla yaqaanaan, sidii af-sireed oo kale (code), kuna aroora dhaqankooda; taasoo u saamaxda inay si fudud u fahmaan; laakiin qofka aan afkaasi luqaddiisa koowaad ahayn way ku adag tahay inuu sahal u fahmaa, inuu barto mooyee.
Haddaba, oraahyada maqaalku ku bilaabmay waa shareerayaal laga dhaxlay suugaanta hiddaha inoo ah ee miyiga. Tusaale ahaaan, shareeraha koowaad ee “cagaha ayuu wax ka dayey”, tibaaxdiisa tooska ahi waxay tilmaamaysaa qof addimada uu ku socdo wax ka eegay ama ka raadiyey, mase aha ujeedadu taase, waxay leedahay macne aad iyo aad uga fog wadarta ereyada tibaaxda, taasoo sheegaysa qof fakad orday ama baqe cararay.
Astaamaha shareereha
Si loo iftiimiyo astaamaha u gaarka ah shareereha aan isku dayno inaynu falanqayn kooban ka bixino shareerayaasha sooyaalka ah ee qormadu ku bilaabantay qaarkood: Waa xaar mas [4] / Waa diinkii dabka loo diray [5] / Waraabe adhi lagu darsaday [6] / Suxuladaan subag darsanay [7] / Candhuuftaada dib u liq [8].
Shareerayaasha kor ku taxani waxay ku sifoobaan, sidaan qabo, astaamo dhawr ah. Waa marka koowaade, waa tiraab aan habdhac lahayn sida maansada, murtina tixaabin sida maahmaahda. Waa marka labaade, waa mala-awaallo u baxsada meel aan laga filayn iyo ma-dhacdada. Sifada saddexaadna waa in shareere kastaa leeyahay erayo sal u ah (rukumo) -arag ereyada hoosta ka xariiqan ee tusaalayaasha kore iyo erayada aan hoosta ka xariiqnayn oo iyagu ah dhammaystirayaal lagu beddeli karo erayo kale oo u macno dhow, sida “darsanay”, oo meesheeda la gelin karo “marsanay”; laakiin “suxul “iyo “subag, erayo kale laguma beddeli karo, midkoodna, waayo waa labo eray oo rukun u ah shareerahan; waana sababata loogu magacaabo tibaaxo taagan (fixed expressions).
Halqabsi
Waxa iyana jira odhaahyo loogu yeedho halqabsi (catchphrase) oo iyagu ah hadal tibaaxeed dadban oo bulshadu joogto ugu adeegsato hadal-maalmeedka, xiriirna ka dhaxayn karo erayada tibaaxda iyo macnaha weedha. Halqabsiyadu waxay u egyihiin kuwo ku bilaabma afgarasho dhex marta koox isku qoys, shaqo, ama deegaan ah. Muddo kadib se, waxay noqdaan kuwo faafa oo cid waliba taqaan. Waxa kale oo curinta halqabsiyada qayb ka ah bahda suugaan curinta heesaha, gabayada, riwaayadaha, majaajilada, kaftanka dhalinyarada iwm. Sebenadan dambena waxa fidintooda door ku leh warbaahinta casriga.
Tusaale ahaan, casrigan internetka ee warbaahinta baraha bulshada, waxaad maqli halqabsiyo cusub oo dhalinyaradu adeegasdaan sida: buufis baa ku dhacay, foostada ha igu soo riixin, Quddi buu ii kabaday, waa xaraabe, ka dhac, tacab shiid lee waaye. Akhriste, macnaha tibaaxahan adi leen kuu dhaafay!
Saadaal ahaan, ma foga marka halqabsiyadan qaarkood noqon doonaan shareerayaal la isla wada yaqaan. Luqad kastaa adeegsiga shareeraha iyo halqabsigu-ba waxay ku jiraan dhalan-geddoon joogta ah, xawli ku socda, oo hadba qaar cusubi soo biiraan, kuwana saaxadda hadalka ka baxaan.
Gunaanad
Shareeraha iyo halqabsigaba waxa loo aqoonsan yahay inay labaduba yihiin tibaaxo taagan oo leh erayo joogta ah; laakiin shareerehu suugaantii hore ayuu ku qotomaa, halqabsiguna waa tibaaxo caanbaxay oo hadba waayaha cusub la socda.
Gabagabo ahaan, shareerea iyo halqabsiga Af-Soomaaligu waa bad dihin oo u baahan in deraasado lagu sameeyo. Isku soo wada duuboo, maqaalkani waa gogoldhig gaaban oo dhiirigelinaya naaqish dhexmara dadka daneeya horumarinta iyo kaydinta af-Soomaaliga.
Qore – Maxamuud Cabdillahi Axmed
Email – maxamuudaxmed@live.com
——————–
Cudurdaar: maqaalka gudihiisa erayada tibaax, odhaah iyo weedh, meelaha qaar, way isku bedelmi karaan; sidoo kale eray-bixinta maqaalku adeegsaday waa mid furan (bir laguma goyn)
Mahad-celin – waxaan u mahad celinayaa asxaabtii talada iyo tilmaanta ku darsatay diyaarintii maqaalka, gaar ahaan golaha Gaheyr Engineers Group.
Macnaha Shareerayaasha qormadu ku bilaabantay
[1] Wuu cararay/baxsaday [2] Farxad darted wax weyn baan samayn lahaa, haddaan helo waxaan rajeynayo [3] Wuu ku qasban yahay [4] Waxay adag tahay sida lagu helaa ama arkaa [5] Aad buu ula soo raagy wixii loo diray / [6] Lama aamini karo / [7] Oon xoolaad baa laga dhergay / [8} Dib ha uga/ula hadlin arrinkas ama qofkaas.
Tixraac
- Wargeyskii Hal-Abuur ee ka soo baxay London xirmadii 1aad ee 1993-94; bogagga 41-43.
- The Penguin Dictionary of English – Idioms 1994 edition