Sayga madaxweynaha Tanzania oo geeriyooday iyo Xasan Sheekh oo…

Sayga madaxweynaha Tanzania oo geeriyooday iyo Xasan Sheekh oo...
September 7, 2026

LATEST NEWS

Sayga madaxweynaha Tanzania oo geeriyooday iyo Xasan Sheekh oo…

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Dowladda Tanzania ayaa xaqiijisay geerida Hafidh Ameir Hassan oo ahaa sayga Madaxweynaha dalkaas, Samia Suluhu Hassan.

Hafidh ayaa ahaa qof si weyn uga fogaaday siyaasadda iyo warbaahinta, isagoo inta badan ku mashquuli jiray noloshiisa gaarka ah iyo hawlihiisa caadiga ah.

Maadaama uu qabay Madaxweynaha Tanzania, waxaa loogu yeeri jiray “First Gentleman of Tanzania”, oo ah magaca loo isticmaalo ragga ay qabaan haweenka haya xilka madaxweynaha.

Hafidh iyo Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa isku dhalay afar carruur ah. Geeridiisa kaddib, waxaa isa soo tarayay dhambaallada tacsida ee loo dirayay qoyska Madaxweynaha Tanzania.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dhiggiisa Tanzania, Samia Suluhu Hassan, isagoo sheegay inuu murugada la qeybsanayo qoyska iyo shacabka dalkaas.

Qoraal uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku baahiyay bartiisa X ayuu ku yiri: “Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa walaasheen, Madaxweyne Samia Suluhu Hassan. Waxaan la qaybsanaynaa xanuunka iyo murugada ay dareemayaan qoyska madaxtooyada iyo dhammaan shacabka Tansaaniya.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay xilligan adag garab taagan tahay Tansaaniya, isagoo muujiyay garab-istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagayaan qoyska Madaxweynaha Tanzania.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Leadership Ethics and Institutional Integrity: Two Inseparable Foundations

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Dynamic Country URL Go to Country Info Page