Sawirro: Xasan oo caawa billad-sharaf ku maamuusay madaxweyne Geelle

Sawirro: Xasan oo caawa billad-sharaf ku maamuusay madaxweyne Geelle
October 30, 2025

LATEST NEWS

Sawirro: Xasan oo caawa billad-sharaf ku maamuusay madaxweyne Geelle

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Billad Sharaf Qaran ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Geelle uga mahad-celiyey dadaalka, taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uu u muujiyey muddada uu hayo hoggaanka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Billaddan ay tahay mid astaan u ah walaaltinimada, iskaashiga iyo ixtiraamka ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliyeed iyo Jabuuti.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay xusayaan miro-dhalkii Shirweynihii Nabadda ee Carta.

Madaxweynaha oo dib u milicsanaya xasuustiisa shirkii nabadda ee Carta ayaa xusay in Madaxweyne Geelle iyo shacabka Jabuuti aysan ku ekaan oo keliya hindisihii iyo martigelinta shirkii Carta ee ay garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed oo ay u hureen dhiigooda, gaar ahaan Ciidamada geesiyaasha ah ee Hiil Walaal.

Magaalada Carta oo qiyaastii 40 KM u jirta caasimadda dalka Jabuuti ayaa maanta waxaa ka qabsoomtay munaasabadda xuska shirweynihii Carta ee taariikhiga ahaa, kaasi oo saldhig u noqday dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya.

Jabuuti ayaa ah dal walaal iyo daris la ah Soomaaliya, isla markaana abaal u galay dadka Soomaaliyeed, maadaama lagu soo yagleelay dowladnimada Soomaaliya oo haatan mareysa meel wanaagsan, kadib heerar kala duwan iyo marxalado adag oo lasoo maray.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Puntland oo gacanta ku dhigtay nin u dhashay Turkiga oo ka tirsanaa...

Maamulka Deni oo qaaday tallaabo ka dhan ah ciidamadii ku sugnaa Sool iyo Cayn

WardheerNews

Somalia’s Complicity in the El Fasher Tragedy

WardheerNews

The 25th Anniversary of Arta Conference: A Legacy of Hope, Leadership, and Rebirth

Dynamic Country URL Go to Country Info Page