Maka (WDN) — Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in amniga labada goobood ee ugu barakada badan Islaamka iyo amniga xujeydu ay yihiin “khad cas”, kadib markii ciidamada difaaca cirka Sacuudigu maalintii Salaasada burburiyeen diyaarad aan duuliye lahayn oo ay sheegeen inay Xuutiyiintu leeyihiin. Arintaas oo ka dhacday koonfurta magaalada Maka ka hor inta aysan gelin hawada xaddidan ee magaalada barakaysan.
Afhayeenka isbahaysiga milatari ee Sacuudigu hoggaamiyo, Turki al-Malki, ayaa sheegay aroornimadii Arbacada in Sacuudi Carabiya ay qaadi doonto tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagaga hortegayo laguna joojinayo weerarro kale oo noocan ah.
“Amniga labada goobood ee barakaysan ee Islaamka iyo badqabka xujeydu waa khad cas,” ayuu yiri al-Malki, isaga oo uga digay Xuutiyiinta in isbahaysigu qaadi doono tallaabooyin looga hortagayo khatar kasta oo soo wajahda goobahaas.
Maka, oo ay ku yaallaan goobaha ugu barakada badan Muslimiinta adduunka, ayaa ah magaalada ugu barakada badan Islaamka, sidoo kalena waa xarunta xajka sannadlaha ah ee ay malaayiin Muslimiin ahi sannad kasta u soo xajiyaan. Xajkuna waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.
Sacuudiga: Tani Waa Isku Daygii Labaad ee Lagu Beegsanayo Makka
Al-Malki wuxuu sheegay in dhacdadan ay tahay isku daygii labaad ee Xuutiyiintu ay ku doonayaan inay beegsadaan magaaalada Maka, isaga oo tusaalle u soo qaatay gantaal ballistic ah oo isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo sheegay in Xuutiyiintu ku rideen dhanka Makka bishii Luulyo 2017. Hase yeeshee, Xuutiyiintu waxay si adag u diideen eeddaas.
Afhayeenka kooxda, Hazem al-Assad, ayaa Arbacadii qoraal uu ku daabacay barta X- ku sheegay in sheegashada ah in Maka la beegsaday ay tahay “been duugowday” oo hore loo adeegsaday, isaga oo intaas ku daray in aanay cidna mar dambe ku qancinayn.
Ururka Iskaashiga Islaamka oo Cambaareeyay Weerarka
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay weerar “foosha xun” oo lagu qaaday magaalada barakaysan ee Makka, isaga oo mas’uuliyadda weerarka dusha ka saaray Xuutiyiinta.
Ururka oo ay xubno ka yihiin 57 dal oo Muslimiin u badan ayaa sidoo kale cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “gardarrada joogtada ah” ee ka dhanka ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Cambaareynta OIC ayaa kusoo beegmaysa xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xiisado militari oo sii kordhaya, iyadoo weerarrada kooxaha xiriirka la leh Iran ay Sacuudi Carabiya si isa soo taraysa ugu riixayaan gudaha dagaalka gobolka.
Sacuudi Carabiya oo Soo Saartay Digniino Amni
Sacuudi Carabiya ayaa Salaasadii soo saartay digniino amni oo laga bixiyay qaybo ka mid ah dalka, oo ay ku jirto Makka iyo magaalooyin kale, kadib toddobaad ay jireen weerarro isdaba joog ah oo ay qaadeen kooxo xiriir la leh Iran.
Weerarradaasi ayaa kusoo beegmaya xilli Xuutiyiintu ay sheegteen inay qabsadeen qaybo ka mid ah xeebaha Badda Cas ee Yemen, oo ay ku yaallaan jasiirado istiraatiiji ah oo dhinaca Bab al-Mandab ka eegaya.
Bab al-Mandab waa mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan dunida ee maraakiibtu isticmaalaan, waxaana muhiimad gaar ah u leh ganacsiga caalamiga ah iyo dhoofinta shidaalka ee gobolka.
Xuutiyiintu waxay sidoo kale toddobaadkan ku dhawaaqeen dhowr weerar oo waaweyn oo ay ku qaadeen gudaha Sacuudi Carabiya. Waxaa ka mid ahaa weerar ay Isniintii sheegeen inay ku qaadeen saldhig diyaaradeed, iyaga oo ku andacooday inuu ahaa aargoosi ay kaga jawaabayeen duqeymo cirka ah oo lagu qaaday Yemen.
Maraykanka oo Digniin Safar Soo Saaray
Safaaradda Maraykanka ee Sacuudi Carabiya ayaa kadib digniinaha amni soo saartay tallo ku aaddan in muwaadiniinta Maraykanku “dib uga fiirsadaan safarrada” ay ku tagayaan Sacuudi Carabiya.
Digniinta ayaa lagu sheegay in ay jiraan khataro la xiriira weerarro ay Iran u adeegsan karto diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, khataraha ku wajahan danaha Maraykanka, iska horimaadyo hubaysan, argagixisanimo, xannibaad safar iyo xeerarka maxalliga ah ee la xiriira isticmaalka baraha bulshada.
Safaaradda ayaa sidoo kale muwaadiniinta Maraykanka uga digtay inay u safraan xuduudda Yemen, iyadoo sabab uga dhigtay khatar argagixisanimo.
Xiisadda oo Saameynaysa Badda Cas iyo Dhoofinta Shidaalka
Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen qaybo ka mid ah xeebaha Yemen ee Badda Cas, taas oo siinaysa kooxda meel istiraatiiji ah oo ay kaga dhowaan karto Bab al-Mandab.
Haddii xaaladdu sii xumaato, waxay saameyn ku yeelan kartaa isu-socodka maraakiibta ganacsiga iyo dhoofinta shidaalka ee Sacuudi Carabiya, gaar ahaan kuwa loo weeciyo waddooyin kale si looga fogaado marin-biyoodka Hormuz.
Xuutiyiintu waxay toddobaadkan kordhiyeen hanjabaadaha iyo weerarrada ay ku sheegayaan inay ku qaadayaan Sacuudi Carabiya, iyagoo ku andacoonaya inay uga jawaabayaan duqeymaha cirka ah ee ka socda Yemen.
Sacuudi Carabiya, dhankeeda, waxay sheegtay in difaaca dhulkeeda, goobaha barakaysan iyo amaanka dadka rayidka ah ay yihiin mudnaanta koowaad.
Dhacdada drone-ka ee ku dhow Makka ayaa sidaas darteed kusoo beegmaysa xilli Bariga Dhexe uu wajahayo xaalad amni oo sii cakirmaysa, iyadoo dagaallada iyo iska horimaadyadu ay si isa soo taraysa ugu fidayaan xuduudaha dalalka gobolka.
Sacuudi Carabiya waxay hadda si cad u sheegtay in Makka iyo goobaha kale ee barakaysan aysan ahayn meel loo dulqaadan doono weerar kasta—iyadoo dhacdadan cusub ay kordhinayso walaaca laga qabo in dagaalka gobolka uu gaaro meelaha ugu xasaasisan ee dunida Islaamka.
WardheerNews