Jabuuti (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen ayaa si weyn u sii xoogeysanaya, iyadoo diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ay duqeymo culus ka fuliyeen gudaha Yemen, halka Xuutiyiintuna ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Sacuudiga.
Xiisadda cusub ayaa timid kadib markii Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ay toddobaadkii lasoo dhaafay horumar degdeg ah ka sameeyeen xeebaha Badda Cas ee Yemen, iyagoo la wareegay magaalooyin iyo jasiirado muhiim ah oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab.
Kooxda ayaa sidoo kale baahisay muuqaallo laga soo duubay goobaha dagaalka oo muujinaya dagaalyahannadeeda oo gacanta ku dhigaya gaadiid gaashaaman oo ay lahaayeen ciidamada Yemen ee uu Sacuudigu taageero. Muuqaallada ayaa sidoo kale muujinayay diyaarado dagaal oo dul heehaabaya iyo qaraxyo waaweyn oo ka dhacaya dhulka saxaraha ah.
Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa Arbacadii sheegay in kooxdu ay weerarro cusub oo gantaallo iyo diyaarado drone ah ku qaaday magaalada dekedda leh ee Yanbu, oo xarun muhiim u ah dhoofinta shidaalka Sacuudiga, iyo saldhigga cirka ee Khamis Mushait ee koonfurta dalka.
Saree ma sheegin waqtiga ay weerarradaasi dhaceen. Sacuudiga ayaa Talaadadii digniino amni ka soo saaray magaalooyin badan oo dalkaas ah, oo ay ku jireen goobaha ay Xuutiyiintu sheegeen inay bartilmaameedsadeen.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo shirkadda shidaalka ee Aramco ayaan markiiba ka jawaabin codsiyo loo diray oo ku saabsanaa weerarrada.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay inay soo rideen diyaarad dagaal oo Sacuudigu leeyahay oo nooca F-15 ah, hase yeeshee ma aysan soo bandhigin caddeyn degdeg ah oo xaqiijineysa sheegashadaas.
Saree ayaa sheegay in ciidamada Sacuudigu toddobaadkan Yemen ka fuliyeen illaa 450 duqeyn. Mas’uuliyiinta dowladda Yemen ee uu Sacuudigu taageero, taas oo maamusha koonfurta dalka, ayaa qiray in ciidamadooda iyo kuwa Sacuudiga ay duqeynayaan fariisimaha Xuutiyiinta, inkastoo Riyadh aysan si rasmi ah u xaqiijin tirada duqeymaha.
Xuutiyiinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhowr jeer weerarro ku qaaday gudaha Sacuudiga, taas oo digniino hawada ah ka dhalisay magaalooyin ku yaalla koonfurta iyo galbeedka boqortooyada.
Sacuudiga ayaa Talaadadii sheegay in difaaciisa cirka uu soo riday diyaarad drone ah oo Xuutiyiintu leeyihiin xilli ay ku sii jeedday dhanka magaalada barakeysan ee Makka, ka hor inta aysan gelin hawada mamnuuca ah ee magaalada.
Riyadh ayaa dhacdadaas ku tilmaantay mid ka gudubtay “khad cas”, maadaama ay khatar gelin karto goobaha barakeysan ee Muslimiinta. Xuutiyiinta ayaa beeniyay inay Makka bartilmaameedsadeen, iyagoo ku eedeeyay Sacuudiga inuu arrintaas u adeegsanayo dacaayad dagaal.
Xiisadda ayaa sidoo kale ku sii fideysa kaabayaasha tamarta ee Sacuudiga. Weerar todobaadkii hore lagu eedeeyay kooxo Iran taageerto oo ka howlgala Ciraaq ayaa hakad geliyay dhuumaha shidaalka ee Bariga-Galbeed ee Sacuudiga, kuwaas oo muhiim u ah in shidaalka looga wareejiyo marin-biyoodka Hormuz marka uu khalkhal galo.
Hakadka ku yimid dhuumahaas ayaa sii kordhiyay walaaca laga qabo sahayda shidaalka caalamka, xilli dagaalka gobolka uu horey u carqaladeeyay isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.
Ganacsatada shidaalka ayaa sheegay in haddii dhuumaha Sacuudiga ay muddo dheer xirnaadaan, ay saameyn karaan sahay u dhiganta ilaa afar boqolkiiba shidaalka caalamka.
Sacuudiga wali ma shaacin waqtiga ay dhuumahaasi dib ugu soo laaban doonaan shaqada caadiga ah, hase yeeshee Xoghayaha Tamarta Mareykanka Chris Wright ayaa Talaadadii sheegay inuu filayo in shidaalku uu mar kale dhex maro dhuumaha maalmo gudahood.
Kulanka Mareykanka iyo Xuutiyiinta
Dagaalka cusub ayaa sidoo kale Mareykanka ku qasbaya inuu si taxaddar leh uga fiirsado doorkiisa gobolka.
Washington ayaa adkeysay digniinteeda safarka ee Sacuudiga, iyadoo shaqaalaha dowladda Mareykanka laga mamnuucay inay u safraan meel 20 mayl u jirta xadka Yemen.
Ilo xog-ogaal ah ayaa Reuters u sheegay in mas’uuliyiin Mareykan ah ay dhammaadkii toddobaadka kulan qarsoodi ah kula yeesheen wakiillo ka socda Xuutiyiinta magaalada Muscat ee dalka Cumaan.
Xuutiyiinta ayaa kulankaas ku sheegay inaysan damacsaneyn inay weeraraan maraakiibta Mareykanka, isla markaana ay weli ku dheggan yihiin heshiiskii xabbad-joojinta ee ay Washington la galeen sanadkii hore.
Mareykanka ayaa muddo laba bilood ah duqeymo ku qaaday Xuutiyiinta sanadkii 2025, ka hor inta uusan Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqin heshiis lagu joojinayo weerarrada ay kooxdu ku hayso maraakiibta.
Dhanka kale, Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa toddobaadkii hore telefoon kula hadlay Trump, isagoo dalbaday taageero militari oo Mareykan ah. Taageerada Washington ilaa hadda ayaa inta badan ku koobneyd dhinaca sirdoonka.
Sacuudiga ayaa hoggaaminayay isbaheysi dagaal kula jira Xuutiyiinta tan iyo 2015. Dagaalka Yemen ayaa sannadihii dambe aad u yaraaday kadib heshiisyo xabbad-joojin ah, balse mar kale ayuu qarxay kadib markii Xuutiyiintu bishii July ku dhawaaqeen go’doomin badeed oo ka dhan ah Sacuudiga, isla markaana bilaabeen weerarro ka dhan ah gudaha boqortooyada.
Dagaallada ayaa bishan sii xoogaystay kadib markii Xuutiyiintu dib u riixeen ciidamada taabacsan dowladda Yemen ee uu Sacuudigu taageero, iyagoo qabsaday dhul ballaaran oo ku teedsan xeebaha Badda Cas iyo goobo istiraatiiji ah oo ku dhow Bab al-Mandab.
Horumarka Xuutiyiinta iyo weerarrada lagu hayo kaabayaasha shidaalka Sacuudiga ayaa hadda cabsi cusub ku abuuraya suuqyada tamarta, maadaama dagaalka Yemen uu ku soo biiray qalalaasaha ballaaran ee Bariga Dhexe.
Waxaana Washington hortaalla xaalad adag: inay ka fogaato faragelin militari oo cusub, iyadoo halis u ah in Xuutiyiintu sii xoogaystaan oo qalalaasaha shidaalku kasii daro, ama inay taageero militari oo toos ah siiso Sacuudiga, taas oo Mareykanka gelin karta furin kale oo dagaalka gobolka ah.