RW Xamza oo xaqiijiyay arrin la xiriirta dhaqaalaha DF ay siiso dowlad-goboleedyada

RW Xamza oo xaqiijiyay arrin la xiriirta dhaqaalaha DF ay siiso dowlad-goboleedyada
September 16, 2026

LATEST NEWS

RW Xamza oo xaqiijiyay arrin la xiriirta dhaqaalaha DF ay siiso dowlad-goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalku aysan siyaasadeyn taageerada dhaqaale ee ay siiso dowlad-goboleedyada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shaaciyay in sanadkii 2025 uu ahaa sannadkii ay dhaqaalaha ugu badnaa la siiyay maamullada dalka, xilli dowlad-goboleedyada qaar uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo dowladda dhexe.

“Dowladdu ma aysan siyaasadeyn, mana siyaasadeyn doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso dowlad-goboleedyada. Sanadka 2025 wuxuu ahaa sanadkii dhaqaalaha ugu badan la siiyey dowlad-goboleedyada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee 2025, taas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka, horumarka la sameeyay intii lagu jiray 2025 iyo dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda qaranka, iyadoo sidoo kale lagu soo qaaday isbeddellada ku yimid taageeradii dhaqaale ee Soomaaliya ka heli jirtay dibadda.

Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in inkastoo ay jireen caqabado dhaqaale oo gudaha iyo dibadda ah, haddana adkaysiga shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada hay’adaha dowladda ay door ka qaateen sii socoshada kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixisay horumarinta hannaanka maaliyadda qaranka, gaar ahaan kordhinta dakhliga gudaha iyo xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii wado dib-u-habaynta dhaqaalaha, lana hagaajiyo maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha dalka, si loo xoojiyo awoodda dowladda ee dhinaca maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in loo baahan yahay in la abuuro jawi ku habboon maalgashiga gudaha iyo kan dibadda, iyadoo la xoojinayo shuruucda iyo siyaasadaha hagaya dhaqaalaha iyo maalgashiga Soomaaliya.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Federaalku ay waddo dib-u-habayn lagu xoojinayo dakhliga gudaha iyo nidaamka maaliyadda qaranka, iyadoo sidoo kale xoogga la saarayo sidii dhaqaalaha dalka looga dhigi lahaa mid si weyn ugu tiirsan ilaha gudaha.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Leadership Ethics and Institutional Integrity: Two Inseparable Foundations

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Dynamic Country URL Go to Country Info Page