Puntland oo amartay in la soo xiro siyaasiyiin iyo saraakiil lagu tuhmayo DF

Puntland oo ku adkaysatay in dil toogasho lagu fuliyo shaqsiyaadka...
August 6, 2026

LATEST NEWS

Puntland oo amartay in la soo xiro siyaasiyiin iyo saraakiil lagu tuhmayo DF

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Puntland oo maanta ka shiray xaaladda amni ee maamulka ayaa go’aamiyay in la soo xiro siyaasiyiin iyo saraakiil lagu eedeeyay inay khalkhal-gelin amni ka wadaan maamulka Puntland.

Shirkan oo uu guddoomiyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amni ee Puntland, iyadoo goluhu bogaadiyey hawlgalada amni ee ay ciidamda difaaca maamulka maalmahaan ka fuliyeen qaybo kamid magalooyinka Puntland.

Howl-galladan ayay sheegeen in lagu fashiliyey duullaan qorshaysan oo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku doonayey in lagu khalkhal geliyo amniga iyo dowladnimada Puntland, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay shirka.

Golaha ayaa faray dhammaan hay’adaha amniga in aan gudaha deegaannada maamulka Puntland lagula dhex socon karin ciidan iyo gaadiid aan ka tirsanayn hay’adaha amniga rasmiga ah ee maamulka.

Sidoo kale, waxay fareen in ciidamadu ka hortagaan, kana hawl-galaan dambiyada abaabulann ee ka dhaca biyaha badaha sida Burcad Badeedda iyo kallumaysatada sharci darrada ah iyo in cid kasta oo ku soo xad gudubta biyaha badaha Puntland talaabo adag oo waafaqsan sharciga laga qaado.

Golaha ayaa go’aamiyey in hay’adaha Caddaaladda ee Dowladda Puntland loo gudbiyo magacyada xubnaha siyaasiyiinta, saraakiisha iyo shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin falal lagu khalkhal-gelinayo amniga iyo nidaamka dowladnimada Puntland si caddaaladda loo horkeeno.

“Goluhu wuxuu xasuusinayaa dhammaan warbaahinta iyo saxaafadda ka hawlgasha gudaha Puntland inay ilaaliyaan xeerarka saxaafadda Dowladda Puntland iyo anshaxa guud ee mihnadda saxaafadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Golaha Wasiirrada Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Goluhu wuxuu go’aamiyey in tallaabooyin waafaqsan sharciga laga qaado mulkiilayaasha iyo adeegsadayaasha Baraha Bulshada ee caadaystay baahinta warar aan xaqiiqda ku dhisnayn, laguna sumcad xumaynayo nidaamka dowladnimada Puntland.”

Golaha ayaa ugu dambeyntiina faray ciidamada kala duwan inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee dhawraysa xuquuq insaanka, isagoo ugu baaqay shacabka Puntland inay door muuqata ka qaataan ilaalinta amniga, xasilloonid iyo wadajirka bulshada, si loo adkeeyo nabadda iyo dowladnimada Puntland.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

The Kampala Speech About Southern Somalia Mogadishu Called Betrayal - Somali News in English

PSF Bosaso Camp Changes Hands Without a Shot Fired – Somali News in English

WardheerNews

Puntland President Blames Mogadishu for Galkayo Clashes, Warns Against Federal Interference

WardheerNews

Puntland President Blames Mogadishu for Galkayo Clashes, Warns Against Federal Interference

Dynamic Country URL Go to Country Info Page