Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
NISA ayaa shaaca ka qaaday in horjooge ka tirsanaa Khawaarijta iyo saddex kamid ahaa ilaaladiisa lagu dilay howlgalka oo ka dhacay deegaannada Guulane iyo Al-Furqaan, iyada oo sidoo kale la dhaawacay horjooge kale, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Howlgalka oo bartimaameed ahaa ayaa dhacay xilli ay horjoogayaasha kasoo baxeen shir uga socday deegaanka, kadibna waxaa si toos ah beegsaday ciidanka dowladda iyo saaxibada caalamiga oo si wadajir ah u fuliyay howlgalka.
“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Guulane iyo Al-Furqaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay horjooge iyo saddax maleeshiyo ah oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka horjooge kalena lagu dhaawacay, iyada oo hawlgalku dhacay xilli ay kasoo baxeen kulan ku qabsoomay deegaanka Guulane,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee NISA.
Sidoo kale, afarta dhagar-qabe ee la dilay waxa ay kala ahaayeen Cumar Siyaad Caraaye oo ahaa horjoogaha Khawaarijta u qaabilsanaa mid ka mid ah beelaha dega Gobolka Shabeellaha Dhexe, laba maleeshiyaad ah oo waday mootooyinka ay saarnaayeen horjoogeyaasha iyo dhagar-qabe kale oo ilaalo u ahaa.
Sarkaalka la dhaawacay ayaa sidoo kale lagu magacaabaa Cabdi Maxamed Nuur oo isna ka mid ahaa horjoogeyaasha Khawaarijta u qaabilsan dhinaca qabaa’ilka. Sida ay ay sheegtay Hay’adda NISA Bartilmaameedyada waxaa si dirqi ah uga badbaaday Cabdullaahi Cali Caraaye iyo Cabdi Daalane oo qeyb ka ahaa horjoogeyaasha la beegsaday.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee NISA ay ku burburinayso horjoogeyaasha iyo shabakadaha Khawaarijta, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta dhagarta ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.
Muddooyinkii dambe Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay beegsiga Al-Shabaab, waxaana todobaadyadii ugu dambeeyay dhacay howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad muhiim u ahaa kooxda.