Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa waxaa looga hadlay howlgal dhanka cirka ah oo Axaddii Al-Shabaab lagula beegsaday duleedka deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda.
NISA ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan ay la kaashatay saaxibada caalamiga ah, isla markaana lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo isku uruursanayay aagga deegaanka Ceelbaraf.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in weerarka lagu khaarijiyay ugu yaraan illaa 23 xubnood oo isugu jiro maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku sugnaa goobta la duqeeyay.
“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa shalay howlgal qorshaysan ka fuliyay tuulada Ceel-weyne, oo hoos tagta deegaanka Ceel-baraf, degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaa halkaas lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la dilay 23 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee NISA.
Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Howlgalkan ayaa la qaaday kaddib markii la xaqiijiyay in argagixisadu ay Maleeshiyaadkooda isugu keentay goob ay maalmihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen, si ay halkaas uga dhigtaan gambaad ay ka soo abaabulaan falal lagu carqaladeynayo amniga. 30-kii October 2025, waxaa sidoo kale goobtan ka dhacay hawlgal midkaan lamid ah kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaarijta”.
Hay’adda NISA ayaa intaasi kusii dartay in aysan jirin waxyeelo gaartay dadka rayidka ah, waxayna ku baaqday in lagu gacan siiyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.
“Intii uu socday howlgalkan lagu naafeeyay cadowga ma jirin wax khasaare ah oo gaaray shacabka. Haddaba si loo ciribtiro Khawaarijta fadlan muwaadin, haddii aad aragto wax khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.
Ceelbaraf ayaa kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee ay dhawaan dib ula wareegeen Al-Shabaab, halkaas oo ay ka sameysteen saldhigyo waa wayn oo ay ku howlgalaan maleeshiyaadkooda.
Si kastaba, Weerarkan cirka ah ayaa qayb ka ah howlgallada la doonayo in lagu naafeeyo kooxaha argagixisada ah, waxaana iska kaashanaya dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.