Maxaa lagu ansixiyay shirweynaha FIFA ee ay ka qeyb-gashay Soomaaliya? + Sawirro

Maxaa lagu ansixiyay shirweynaha FIFA ee ay ka qeyb-gashay Soomaaliya? + Sawirro
May 1, 2026

LATEST NEWS

Maxaa lagu ansixiyay shirweynaha FIFA ee ay ka qeyb-gashay Soomaaliya? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ahna guddoomiye ku-xigeenka CECAFA oo uu wehliyo Xoghayaha Guud ee xiriirka, Dr. Yuusuf Muxudiin Axmed ayaa Soomaaliya ku matalay shirweynaha 76-aad ee xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.

Shirweynahan ayaa waxaa ka qayb-galay 211-ka dal ee xubnaha ka ah FIFA, wuxuuna ahaa kulan heer sare ah oo diiradda lagu saaray arrimo badan oo khuseeya horumarinta kubadda cagta caalamka.

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, iyadoo ajandayaasha muhiimka ah ee diiradda la saaray ay ka mid ahaayeen qiimeynta iyo ansixinta siyaasadaha kala duwan.

Sidoo kale, waxaa laga dooday maalgashiga iyo taageerada la siiyo xiriirrada xubnaha ah, si loo xoojiyo awooddooda iyo horumarkooda.

Waxaa kale oo shirka lagu falanqeeyay dib-u-eegista tartamada caalamiga ah iyo qaab-dhismeedkooda, iyo xoojinta hufnaanta, maamul-wanaagga iyo isla xisaabtanka hay’adaha kubadda cagta.

Dhanka kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray qorshaha diyaar-garowga Koobka Adduunka ee 48-ka xul, kaas oo la filayo inuu noqdo kii ugu weynaa taariikhda kubadda cagta.

Inta uu socday kulanka, waxaa si rasmi ah loo ansixiyay Warbixinta Sannadlaha ah ee 2025, iyadoo FIFA ay shaacisay qorshe dhaqaale oo ballaaran.

Miisaaniyadda muddada u dhaxaysa 2027 ilaa 2030 ayaa la filayaa inay gaarto $14 bilyan, taas oo ah rikoor cusub, isla markaana dib loogu maalgelin doono horumarinta kubadda cagta adduunka.

Ka qayb-galka guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ee shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama uu dalka siinayo fursad uu codkiisa kaga dhiibto go’aamada caalamiga ah, isla markaana uu ku xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga uu la leeyahay dalalka kale, si kor loogu qaado horumarka kubadda cagta Soomaaliya.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Commemorating Professor Ali Jimale Ahmed

DF oo war ka soo saartay xayiraadda la sheegay in ay saartay diyaaradaha Israel

DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday in dalka uu galay…

Loolanka Turkey iyo Israa’iil ee Soomaaliya oo xoogeystay

Loolanka Turkey iyo Israa’iil ee Soomaaliya oo xoogeystay

Dynamic Country URL Go to Country Info Page