Muqdisho (Caasimada Online) – Markab shidaal ayaa lagu weeraray Marinka Hormuz, iyadoo Ururka Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO) uu sheegay in markabka lagu bartilmaameedsaday “gantaal aan la aqoon”.
Weerarka ayaa dhacay xilli markabku marayay marinka muhiimka ah ee isku xira Gacanka Cumaan iyo Gacanka Faaris, waxaana dhaawac fudud kasoo gaaray laba ka mid ah shaqaalaha markabka, sida ay sheegeen saraakiil milatari.
Inkasta oo weerarka uu dhacay, haddana markabku wuxuu sii watay socdaalkiisa, isaga oo ku sii jeeday dekedda uu u socday. Ilaa hadda lama soo sheegin waxyeello weyn oo markabka soo gaartay oo saameyn ku yeelatay safarkiisa.
Ma jiraan warbixinno sheegaya in weerarku sababay waxyeello deegaan ama daadasho shidaal. Hay’adaha ay khusayso ayaa weli wada baaritaanno lagu ogaanayo sida uu weerarku u dhacay iyo cidda ka dambeysay.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Marinka Hormuz uu yahay mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee ay isticmaalaan maraakiibta shidaalka ee isaga kala goosha gobolka iyo suuqyada caalamka.
UKMTO ayaa sidoo kale digniin u dirtay maraakiibta isticmaasha Marinka Hormuz, iyadoo kula talisay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah inta ay ku guda jiraan socdaalkooda aaggaasi.
Hay’addu waxay maraakiibta ku boorrisay inay soo sheegaan dhaq-dhaqaaq kasta oo ay u arkaan mid shaki leh ama khatar ku ah ammaankooda, iyadoo weli socda baaritaanka la xiriira weerarka lagu qaaday markabka shidaalka.